Shir looga hadlayo Mustaqbalka Somalia oo saacadaha soo socda si rasmi ah uga furmaya Magaalada London

Khamiis, Feberaayo 23, 2012 (HOL) — Magaalada London ee xarunta dalka Britain ayaa waxaa saacadaha soo socda maanta oo Khamiis ah ka furmaya shir looga hadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgalayaan in ka badan madaxda 50-waddan iyo ururro caalami ah.

Shirkan oo hindisihiisa uu leeyahay ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, David Cameron ayaa ku saleysan sidii indhaha caalamka loogu jeedin lahaa Soomaaliya oo colaado ay ka jireen muddo 20-sano ka badan iyo sidii xal loogu heli lahaa xasillooni-darrada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qaybgalaya, madaxweynaha Somalia, Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan, ra'iisul wasaaraha, C/weli Gaas, Madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole, madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Siilaanyo, madaxweynaha maamulka Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin, gudoomiyaha iyo duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo xubno wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda dhexe ee Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska, William Hague oo xalay ka hadlay casho-sharafta loo sameeyay madaxda Soomaalida ayaa sheegay in ra'iisul wasaarihiisu uu soo hindisay shirkan si xal loogu helo Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in looga baahan yahay Soomaalida inay ka shaqeeyaan mustaqbalka dalkooda.

Inta badan dadka Soomaalida ayaa rajo wanaagsan ka muujinayaa shirka London ka dhacaya maanta, iyadoo shirkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo Somaalida loogu qabto qaaradda Yurub, waxaase dhanka kale jira dad Soomaaliyeed oo iyaguna qaba in shirkan aysan kasoo baxayn wax dan u ah Soomaaliya.

Madaxda Soomaalida ee shirka ka qaybgalaya ayaa waxay muujinayaan rajo aad u wanaagsan oo ku saabsan qodobbada shirka kasoo baxa, iyadoo ra'iisul wasaaraha Ingiriiska uu sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, iyaguna aysan ka lahayn dan gaar ah.

Shirka London ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalya, madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya iyo xubno ay ka mid tahay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Hallery Clinton.

Shirka oo socon doona saacado kooban oo maanta ah ayaa lagu wadaa in laga soo saaro marka uu dhammaado war-murtiyeed ku saabsan qodobbadii shirkaas lagu gaaray kuwaasoo wax looga qabanayo xalaadda dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya