Qaraxyo khasaare u geystay askar iyo dadka shacab oo maanta ka dhacay Degmooyin ka tirsan Muqdisho

Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Laba qarax oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa sababay dhimashada saddex qof oo rayid ah iyo dhaawaca laba askari oo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sida ay saxaafadda u sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmooyinka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay xaafadda Maxamuud Xarbi ee degmada Wardhiigley ayaa wuxuu dilay laba caruur ah, iyadoo la sheegay in caruurtu ay garaaceen walaxda qaraxday oo aan illaa iyo hadda la ogeyn nooceeda.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Wardhiigley ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoog badan, balse uusan geyn khasaare ka badan dhimashada labadii cunug ee ku ciyaarayay ka hor intii uusan qarxin.

Qaraxii labaad ayaa ka dhacay agagaarka jaamacadda Gahayr ee degmada Wadajir oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana lagu weeraray askar kuwa dowladda KMG ah ka tirsan, iyadoo uu ku dhintay qof rayid ah ayna laba askarta DKMG ah ka tirsan ku dhaawacmeen.

Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan qaraxan oo kasoo baxay dowladda KMG ah, balse dhowr jeer oo hore ayaa goobta uu maanta qaraxa ka dhacay lagula eegtay qaraxyo gaadiid ay wateen AMISOM iyo ciidamada dowladda KMG ah.

Inta badan qaraxyada lagu weeraro ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa sheegata Xarakada Al-shabaab, inkastoo aysan qaraxa maanta waxyeellada u geystay ciidamada Burundi ee AMISOM ka tirsan aysan ka hadlin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya