Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah oo qof shacab ah ku dilay degmada Yaaqshiid, isagiina isla goobta lagu dilay

Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo xalay qof rayid ah dil ugu geystay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa isna lagu dilay isla gudaha degmadaas, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool degmadaas.

Qofka rayidka ah ee la dilay oo ahaa rag, waxaana dilkiisa uu dhacay 8:00 fiidnimo ee xalay kaddib markii askariga dilkiisa geystay uu istaajiyay ruuxa uuna weydiiyay inuu keeno taleefoonkiisa gacanta, balse markii uu diiday uu askarigu toogtay qofka rayidka ah.

"Askariga wuxuu weydiiyay qofka rayidka ah inuu dhiibo taleefoonka, markii uu isku adkeeyayna waa toogtay," sidaa waxaa warbaahinta u sheegay goobjoogayaal ku sugan xaafaddii uu dilku ka dhacay, iyagoo sheegay in daqiiqado kaddib ay goobta soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

"Ciidamada dowladda waxay baadi-goobeen askariga oo goobta ka cararay ugu dabmeynna way qabteen halkii uu ruuxa ku dilay ayaana lagu toogtay," ayay goob-joogayaashu hadalkooda ku dareen.

Taliska ciidamada DKMG ah ayaanay weli kasoo bixin war ku saabsan falka uu geystay askariga iyo xukunka lagu fuliyay, waxaana ciidamada dilka geystay la sheegay inuu hoggaaminayay sarkaal sare oo ciidamada dowladda ka tirsan.

Waa markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidamada DKMG ah oo dil u geystay qof shacab ah lagu dilo isla goobta uu falka dilka ah ku geystay, waxaana tani ay qayb ka ahayd hadallo uu horay u jeediyay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya