Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Xulka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga haray ciyaaraha K/cagta ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA-Tusker Challenge cup 2011, kaddib markii galabta xulka Uganda uu 4-0 uga badiyay ciyaartii ka dhacday garoonka Azam ee duleedka magaaladda Daresalaam ee dalka Tanzania.
Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku soo idlaatay 0-0, iyadoo xulka Soomaaliya uu aad uga gacan sareeyay Uganda, waxaana goolhayaha xulka Uganda uu bad-baadiyay 3 fursadood oo laba ka mid ah uu ku helay weeraryahanka xulka Soomaaliya C/casiis Hoomey, halka fursad qaali aheyd isna laga bad-baadiyay difaaca garabka Axmed Dayib.
Laakiin waxay musiibo dhacday markii ay dib u billaabatay qeybtii labaad ee ciyaarta, madaama dabeyl xoog badan oo u socotay dhinaca shabaqa xulka Soomaaliya ay billaabay, waxaan weeeraryahanka Uganda - Dan Wagaluka uu gool uu ka soo darbeeyay dhinaca midig ee koornada uu shabaqa dhex dhigay daqiiqadii 48, hase ahaatee wixii intaa ka dambeeyay xulka Somalia talo farihiisa waa ka baxday, waayo waxaa 3 gool oo kale u saxiixay xulka Uganda weeraryahankooda Emmanuel Okwi.
Guuldaradda xulka waxaa u dheer in 4 ka mid ah ciyaaryahanadda laf-dhabarta ah - dhaawac ahaan garoonka looga saaray iyo Kabtaka xulka oo ciyaarta bannanka looga saaray, kaddib markii ay galacanta iskula tageen kabtanka Uganda oo isna roose la siiyay, markii uu ku istaagay difaaca xulka Anwar Salaad oo jilibka ka dhaawacmay.
Tababaraha xulka Soomaaliya Alfred Imane oo u dhashay wadanka Kenya ayaan weydiiyay sababta guuldarrooyinka is daba joogga ah ee The Ocean Stars wuxuuna yiri “Ciyaartooyda Soomaaliya waxay u baahan yihiin waqti badan oo ay ku sameeyaan tababar joogto ah, si ay iskula meel dhigaan qaab ciyaar wanaagsan, hase ahaatee dhibaatada wadanka ka jirta ayaysan suurto gal u noqoneyn in guulo uu gaaro xulka Soomaaliya, intaas waxaa dheer ciyaartooyda Sooomaaliya waa da’yar aan heysan khibrad ku filan, 50% ciyaartooydii galabta weligood kama qeyb qaadan ciyaaro caalami ah, hase ahaatee waxaan filyaa in mustaqbalka dhow ay noqon doonaan kuwa guulo u soo hooya shacabka Soomaaliya”
Boby Williamsom oo ah tababaraha Uganda una dhashay wadanka Scotland ayaan isna weydiiyay siduu u arko guusha uu ka y gaar Soomaaliya , wuxuuna yiri “Waxay aheyd guul u qalantay Uganda, waana fileynay inaan sidan oo kale Somalia uga badineyno, laakiin ciyaarooyda Soomaaliya dadaal badan ayay muujiyeen qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin daal iyo khibrad la’aan ayaan uga faa’iideysanay daqiiqadihii ugu dambeeyay”
Xulka Soomaaliya oo gabi ahaan ka haray tartanka CECAFA ayaa ciyaarta ugu dambeysa ee Grouo B wuxuu maalinta Khamiista ah ee 1-da bisha December la leeyan doonaa xulka
Dhinaca kale Xulka
Kala horeynta Group A
|
No. |
Waddan |
Dhibco |
|
1 |
|
3 |
|
2 |
|
3 |
|
3 |
|
0 |
|
4 |
Jabuuti |
0 |
Kala horeynta Group B
|
No. |
Waddan |
Dhibco |
|
1 |
|
6 |
|
2 |
|
4 |
|
3 |
|
1 |
|
4 |
|
0 |
Kala horeynta Group A
|
No. |
Waddan |
Dhibco |
|
1 |
|
3 |
|
2 |
|
1 |
|
3 |
|
1 |
|
4 |
|
0 |
Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]