
Talaado, November 29, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobay in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya, si ay dowladda KMG ah ugu suurogasho in ciidamada lagu tababaro dalka gudihiisa.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in gargaarka dunida ugu deeqo Soomaaliya aanay garanayn halka la marsiiyo, wuxuuna soo jeediyay in la xaqiijiyo halka ay ku baxaan malaayiinka dollar ee loogu deeqo shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaan codsanayaa in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay u suurogaasho in ciidamada dowladda gudaha lagu tababaro lana xoojiyo," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dowladda ay ka go'an tahay inay gobol walba ka sameyso saldhig ay leeyihiin ciidamada milateriga iyo kuwa booliiska Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay qorsheynayso inay ka saarto dalka oo dhan inta uusan dhammaan sannadkan Xarakada Al-shabaab, isagoo ka dalbaday beesha caalamka inay gacan ka geystaan dagaalkaas.
"Dhaqaalaha loogu talogalay Soomaaliya lama yaqaan halka uu maro, waxaa lagu talogalay in dowladda KMG ah laga curyaamiyo dhinaca dhaqaalaha si aysan lix bilood u gaarin, balse Alle mahaddii waxay shaqeynaysaa saddex sano," ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka codsaday in baaris lagu sameeyo dhaqaalahaas meelaha uu ku baxo.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay ka go'an tahay inay ka hortagto wax walba oo musuqmaasuq ah, ayna fulinayso qorshaha Roadmap-ka oo uu sheegay in dalka uu uga baxayo xilliga KMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya