Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo magacaabay saddex guddi kana hadlay shirka Nairobi

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta magacaabay saddex guddi oo uu ku jiro guddiga diyaarinta doorashooyinka baarlamaanka, isagoo sidoo kale ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan shirka ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay ee lagu qabanayo dalka Kenya.

Shariif Xasan ayaa wareegtada uu ku magacaabay guddiyadan wuxuu ku sheegay in isagoo cuskanaya  qodobka 18-aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka farqaddiisa koowaad iyo go’aankii uu gaaray baarlamaanka ee ahaa in doorashooyin la qabto uu magacaabay guddiyadan:

Guddiga dib u habeynta baarlamaanka iyo tayeynta shaqadiisa, oo kasoo talo-bixin doona sida ugu habboon ee dib u habeyn loogu sameyn karo baarlamaanka iyo shaqqooyinka, waxaana xubno ka ah: xildhibaan Cumar Islow Maxamed, xildhibaan Xasan Macallin Xuseen, xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed, xildhibaan Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen iyo xildhibaan Yuusuf Cali Caynte.

Guddiga soo diyaarinta qorshe howleedka baarlamaanka, guddigan ayaa daraasad ku sameyn doona qorshe howleedka baalamaanka muddada dhow iyo midda fog, waxaana xubnihiisa ka mid ah: xildhibaan Burci Maxamed Xamza, xildhibaan C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille), xildhibaan Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo xildhibaan  C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi).

Guddiga doorashooyinka baarlamaanka, guddigan ayaa soo diyaarin doona doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xubno ka ah: xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli), xildhibaan C/kariin Axmed Cali, xildhibaan Cabdi Sheegow Sagaar iyo xildhibaan Siciid Xasan Cismaan.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa intaa kaddib ka dalbaday beesha caalamka inay la shaqeeyaan guddigan, isla markaana ay bixiyaan dhaqaalaha howlahooda ku qaban karaan, isagoo xusay in go’aankii xukuumaddu ay halka sano ugu kororsatay muddada ay shaqeynayso uu yahay mid aan la aqbali karin, uuna go’aankoodu ka horreeyay kaasna ay ku dhaqmayaan.

Sidoo kale, Shariif  Xasan wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inay darsi doonaan qoraallo ku saabsan shirka lagu qabanayo dalka Kenya, kaasoo lagu casuumay isagoo aan sheegin inay ka qaybgelin doonaan iyo in kale, balse wuxuu xusay in shirkaas uu yahay mid wada-tashi ah ayna rumeysan yihiin in wadatashigu uusan reebanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya