Dagaal degmada Luuq ku dhexmaray xoogagga Xarakatul Shabaab iyo ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Dagaal muddo kooban socday ayaa xalay saqdii dhexe ku dhexmaray degmada Luuq ee gobolka Gedo ciidamada DKMG ah ee ku sugan degmadaas iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab, iyadoo aan la ogeyn khasaare uu dagaalkaas geystay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Luuq ayaa u sheegay warbaahinta Soomaaliya in dagaalku uu ka dhacay bartamaha degmada uuna ahaa mid culus, iyadoo ay isku adeegsadeen dhinacyadu hub kala duwan.

Xaaladda degmada Luuq ayaa saakay daggan, iyadoo saraakiil u hadlay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay sheegeen inay xalay muddo kooban gacanta ku hayeen degmada, balse ay dib uga baxeen.

Degmada Luuq ayaa waxaa ku sugan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna kuwaasoo dagaal la'aan kula wareegay dhowr todobaad ka hor, iyadoo dadka ku nool degmadaas ay sheegeen in degmadu ay tahay mid howlaheedu ay saakay si caadi ah u socdaan.

Weerarka ay Xarrakatul Shabaab ku degmada Luuq ayaa noqonaya kii labaad oo ay ku qaaddo degmadaas, iyadoo uu imaanayo weerarkan kaddib markii shalay uu ka dhacay saldhigga booliiska Luuq qarax khasaare geystay.

Gobolka Gedo ayay dowladda Soomaaliya kaga sugan afar degmo oo saddex ka mid ah ay dhawaan dagaal uga qabsadeen Xarrakatul Shabaab, iyadoo degmooyinkaas weerarro noocan oo kale ah lagu qaaday dhowr jeer.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya