Dood cilmiyeed looga hadlayay doorka waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan hakinta colaadaha oo lagu qabtay Nairobi (SAWIRRO):


Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Dood cilmiyeed cinwaankiisu ahaa ay doorka waalidiinta Soomaaliyeed ka qaadan karaan hakinta colaadaha ka taagan Soomaaliya iyo wacyigelinta ka qaybqaata dagaallada ayaa lagu qabtay Hotel Maredian magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kneya. Iyadoo dooddan ay la qaybgaleen xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya,  hooyooyin, madax ka socotay ururrada bulshada rayidka, dhallinyaro kor u dhaafaysay 160-dhalinyaro ah.

Doodda ayaa waxay ahayd mid xiiso badan waxaa la isku dhaafsaday afkaaro wax ku ool ah oo dhammaan ahaa xalka loo heli karo in waalidiinta ay ka hortagaan isticmaalka qaldan ee ubadkooda iyo talooyin muhiim ahaa.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa guddoomiye ku xigeenki hore ee baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn  dooda uga qaybgalay ayaa sheegay in waalidiinta iyo caruurtooda ay is-waayeen sannadihii ugu dambeeyay waxaana taas uu tusaale ugu soo qaatay in ubadka loo adeegsaday in dagaallada socda loo adeegsado.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in waqtiga hadda lagu jiro uu yahay midkii ugu adkaa ee ay soo mareen dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo si aan habboonayn loogu adeegsado dagaallada, isagoo kula dardaarmay waaliddiinta inay xoojiyaan iska warqabka iyaga iyo ubadkooda si ay carruurtooda uga badbaadiyaan in la isticmaalo.


Xildhibaan Xasan Xaaji oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in carruurta oo laga marin habaabiyay goobaha waxbarashada iyadoo dhinacyada iskaga soo horjeeda dalka ay u adeegsadaan dagaallada, iyadoo xildhibaanku ku taliyay in xooga la saaro sidii manaahijta dalka loo kontarooli lahaa kuwii horena tifaftir badan loogu sameyn lahaa.

Marwo Dhoofo Khaliif Siyaad oo ah hooyo Soomaaliyeed oo abwaanad ah ayaa iyaduna xustay in waalidiinta ay arkeen culeys ka weyn maadaama caruurtooda ay noqdeen kuwo aan waxba ka maqlayn,iyadoo kula talisay hay’adda SYAO inaysan ka daalin kaalinteeda ah inay isku keento qaybaha bulshada si ay uga doodaan dhibaatada taagan xilligaas.

In ka badan 31-dhallinyaro ah oo kulanka ka qaybgalay isla markaana fikirradooda ka jeediyay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin kuwo loo adeegsado dagaallada, waxaana baaq wadajir ah ay u jeediyeen dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee dagaallada ka qaybgalaya.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha SYAO Max’ed Ibraahim Cali (Cajiib) oo soo xiray doodad ayaa u mahadceliyay xildhibaannadii kasoo qaybgalay doodda, madaxdii ururada bulshada rayidka iyo dhammaan dhallinyaradii waqtigooda soo huray isagoo mahadnaqa kaddib ballanqaadyo ay ka mid ahaayeen in hay’adda SYAO ay bilaha soo socda ay qaban doonto ciyaaro kuwaasoo loogu magacdari doono (Habeenkii dhaqanka Soomaaaliya) si dhallinyarada loo baro dhaqankii hore ee ku dhisnaa nabadda.

Hay’adda SYAO oo shaqeynaysa muddo laba sano ah iyadoo kulammo kala duwan duwan u qabatay kulammo ay fikiradahooda ku wadaagayaan, waxaana xubno ka ah 500 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah , waxayna dhallinyarada ku boorriyeen inay ka mid noqdaan.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya