Dagaalyahannada Xarrakada Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig booliis oo ku yaalla gudaha dalka Kenya

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Dagaal-yahanno ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig booliis oo ku yaalla gudaha dalka Kenya, iyagoo isticmaalaya baasuukayaal iyo qoryaha fudud, sida wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya uu kasoo xigtay sarkaal booliis ah oo aan is-magacaabin.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Libooyo oo 550-km Waqooyi-bari kaga beegan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Arbacadii todobaadkan kaddib markii xoogaga Xarrakatul Shabaab oo soohdinta ku tallaabay ay weerar ku qaadeen saldhiggaas, balse lama oga khasaaraha uu geystay weerarka.

"Xoogagga Al-shabaab waxay isku gadaameen saldhigga, waxay ku fureen rasaas, balse ciidamadii ku sugnaa saldhigga ayaa iska difaacay," ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska Kenya oo la hadlay warbaahinta.

Rasaas kooban ayaa ka dhacay gudaha iyo daafaha deegaanka Libooyo oo ku dhow soohdinta, iyagoo dib uga gudbay xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, sida ay sheegeen booliiska.

"Aad ayaan uga walwalsan-nahay. Laba jeer ayay soo weerareen saldhigga illaa isniintii lasoo dhaafay," ayuu yiri C/risaaq Cali oo 40-jir ah kana tirsan dadka daggan deegaanka Libooyo-Kenya oo saxaafadda la hadlay.

Xarrakatul Shabaab oo ka talisa inta badan gobollada dalka oo ay ku jirto Muqdisho ayaa horay ugu hanjabtay inay weerarro ku qaadayso dalka Kenya, kaddib markii ay ku eedeysay inay faraha kula jirto arrimaha Soomaaliya ayna dowladda KMG ah u soo tababartay ciidamo u dagaalama.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay uu taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya Leo Nyongesa sheegay in 12-dagaalyahan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab lagu dilay iska-horimaadyo ka dhacay deegaanno ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiisha Xarrakatul Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarka la sheegay inay xoogaggoodu laba jeer toddobaadkan oo keliya weerarro ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Libooyo ee dalka Kenya.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya