Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysay heshiiskii ay madaxda DKMG ah ku gaareen Magaalada Kampala

Axad, June 19, 2011 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay taageersan tahay heshiiskii 10-ka qodob ka koobnaa ee madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay horraantii bishan ku kala gaareen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Warsaxaafadeed ay xukuumadda Itoobiya soo saartay ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha dalkaas Meles Zenawi uu taageersan yahay heshiiskii Kampala, kaasoo ay khilaafkooda ku xalliyeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraalka dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin in shir dib u heshiisiineed oo lagu qabto gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku-haya.

Sidoo kale, qoraalkan waxaa looga soo horjeestay banaanbaxyadii Muqdisho ka dhacay labadii todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaasoo lagu taageerayay xukuumaddii ra'iisul wasaarihii iscasilay loogana soo horjeeday madaxda kale ee dowladda Soomaaliya iyo heshiiskii Kampala.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay garab-taagan tahay DKMG Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaas oo dagaal kula jira baa lagu yiri warsaxaafadeedka Xarrakada Al-shabaab.

Xukuumadda Itoobiya ayaa noqonaysa dowladdii ugu horreysay oo taageerta heshiiskii Kampala marka laga reebo dowladda Uganda oo dalkeeda lagu gaaray, waxaana jira dalal kale oo kasoo horjeestay heshiiskaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya