Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho

Axad, June 19, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha baaramaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi xildhiaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaanno isaga taageersan iyo hoggamiye kooxeedyadii Muqdisho qarkood.

Ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa aad loo adkeeyay markii ay soo caga-dhigatay diyaarad qaas ahayd oo wadday guddoomiyaha iyo xubnaha la socday isagoo goobta ku gacan-qaaday xildhibaannadii soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay in heshiiskii Kampala uu ahaa mid ay dani kentay, uuna horgeyn doono baarlamaanka, wuxuuna sheegay go'aanka ugu dambeeyay ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka.

"Xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga rabaa inay fikirkooda mideeyaan oo la hilmaamo khilaafyadii jiray lana wada-shaqeeyo," ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay inuu khilaaf imaanayo balse loo baahan yahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadyadana aan khilaafyo kale lagu sii darin.

Afhayeenka Baaarlamaanku Shariif Xasan wuxuu sheegay in howl walba oo ay qabanayaan ay wanaag iyo daacadnimo u sameynayaan, hadii ay wax xumaadaanna aysan ula jeedin cid gaar ah, beel gaar ah iyo koox gaar ah.

"Wixii khalad ah ee naga dhaca waxay nooga dhacayaan ogaal la'aan iyo garasho la'an, laakiin waxaan wadnaa in wanaag la helo, dowladnimada iyo Qarannimadana la xoojiyo," mar kale yiri Shariif Xasan. 

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa soo laabashadiisu waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu weli jiro khilaafkii u dhexeeyay hay'adaha dowaldda, xildhibaanada qaarkoodna ay kasoo horjeesteen heshiiskii lagu gaaray dalka Uganda, kasoo ay saxiixeen isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif.

Sidoo kale, imaanshaha guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay shalay kulan ku yeesheen Muqdisho kaasoo ay sheegeen inuu hordhac u yahay kulammada baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya