Axad, June 19, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay afaafka hore ee xarunta golaha shacabka, kaddib markii loo diiday inay ku shiraan xarunta gudaheeda.
Xildhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato) oo warbaahinta kula hadlay goobtii ay ku shirayeen iyagoo fadhiyada dhulka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay u diideen inay ku shiraan xarunta golaha shacabka.
"Waxaan shacabka u sheegayaa in la diiday dowladdii aad doonaysee innaguna aan doonaynay, ayna diideen Uganda iyo kuwo magac Soomaaliyeed sheeganaya oo la safan, waana inaan u diyaargarowno inaan kuwaas iska celinno," ayuu yiri Mudane Cismaan Caato oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho.
Sidoo kale, xildhibaan Caato oo fadhiya dhulka ayaa wuxuu eedeyn kulul u jeediyay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo ku tilmaamay madaxweyne liita.
Xildhibaan Bood C/llaahi Magan oo ka mid ahaa xubnihii loo diiday inay ku shiraan xarunta golaha shacabka ayaa u sheegay wariyeyaasha inay nasiib-darro tahay in loo diido inay ku shiraan xaruta golaha shacabka oo ay bishii Ogoosto sannadkii 2009 ku bixiyeen dhaqaale si dib loogu howlgeliyo, isagoo arrintaan ku sheegay inay tahay mid lagu ihaaneystay xildhibaannada.
"Dalku wuxuu u afduuban yahay laba nin oo dhaqaalaha dalka guranayay laba sano, waa kuwa leh yaan mudaaharaadyo la qaban oo shacabku uusan muujin dareenkooda," ayuu yiri xildhibaan Bood oo sheegay inay mudan tahay in la isweydiiyo waxa dambiilayaal ka dhigay Sheekh Mukhtaar Roobow, Sheekh Fu'aad Shangole, Sheekh Xasan Daahir, Labada Shariifna la dhigay wadaniyiin.
Xildhibaan Axmed Ugaas oo isaguna ka mid ahaa xubnihii ku shirayay iridka hore ee golaha shacabka ayaa sheegay in madaxda dowladda KMG ah looga baahan yahay inay Axdiga ku dhaqmaan, isla markaana ay tixgeliyaan xildhibaanada.
"Waxaan ku xisaabtamayno waa inay noqdaan wuxuu sharcigu ogol yahay, wixii intaas ka gudubsan waa boob, wixii ka yimaadana waa mas'uul ka ah kuwa sharciga ku xad-gudbaya," ayuu yiri mudane Axmed Ugaas.
Xildhibaannadan ayaa sheegay inay kulammadooda sii wadan doonaan, iyagoo shalay ku shiray xarunta golaha shacabka balse maanta loo diiday inay ku shiraan, waxaana is-hortaaggan uu imaanaya iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu maanta dalka kusoo laabtay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya