Axad, June 19, 2011 (HOL) – Qarax khasaare gaystay ayaa la sheegay in xalay fiidkii uu ka dhacay goob ay ku suganayeen ciidamo booliska Somaliland ka tirsan, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday bam-gacmeed lagu soo tuuray halkii ay ciidamadu fadhiyeen oo ku dhow saldhigga degmada.
Waxaa qaraxa la sheegay in waxyeello xoogan ay ka soo gaartay ciidamadii goobta ku sugnaa ,iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in labo kamid ah askartii dhaawacantay uu midkooda geeriyooday ,kaasi oo dhaawac halis uu soo gaaray.
Ciidamado aad u tiro badan ayaa la sheegay in goobta ay yimaadeen, kuwaasoo fuliyay howlgallo dhinac amniga la xiriira ,iyaga oo rasaas kor u ridaya,waxaana jira dad dhowr ah oo loo qab-qabtay qaraxii xalay ka dhacay degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
"Dadka cabsi badan ayaa gashay markii la maqlay qaraxa oo ahaa mid guud ahaan degmada laga wada maqlay,intaa ka dib waxaa meesha yimid ciidamo aad u tira badan," ayuu yiri Maxamed oo kamid ah dadkii ag dhawaa goobta ay arintu ka dhacday oo aan saaka la xiriiray.
Saldhigga la weeraray oo ku yaalla koonfurta degmada ayaa waxaa su'aallo maanta lagu waydiinayaa dadkii xalay lagu soo qabtay howlgalladii ay fuliyeen ciidamada Somaliland,iyadoo falalka amni xumo ay aad ugu soo kordhayeen sanadihii la soo dhaafay gudaha degmadaasi.
Maamulka gobolka iyo kan degmada Laascaanood ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin qaraxaasi oo la aaminsanyahay in ay ka danbeeyaan xubno xiriir la leh SSC sida warbaahinta qaar ay ka soo xigtay qaar kamid ah saraakiisha amniga ee halkaasi ku sugan
Ugu danbaynti magaalada Laascaanood oo horay uu maamulka Puntland uga talin jiray ayaa hadda mudo sanado ah waxaa maamulkeeda gacanta ku haya maamulka la dariska ah ee Somaliland,waxaana masuuliyiin labada dhinac ka tirsan ay dhowr jeer oo hore isaga hanjabeen warbaahinta arrimo la xiriira lahaanshaha Laascanood.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya