
Jimco, 10 September, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta tukashada Salaadda Ciidda kala qayb galay dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, halkaas oo guud ahaan deegaannada Muslimiinta kala sinnaa dabbaal-degga Ciidal-Fidriga.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay weheliyeen qaar ka mid ah wasiirada xukuumaddiisa, ayaa maanta dadweynaha kula tukaday Masjid-Jaamaca wayn ee Hargeysa, ayaa salaadda ka dib mar uu dadweynaha la hadlayay wuxuu ugu baaqay in ay meel uga wada jeestaan ilaalinta amniga iyo sidoo kale inay ka hortaggaan wax kasta oo waxyeellaya qaranimada iyo dawladnimada. Waxaanu guud ahaan umadda Islaamka, gaar ahaan shacabka reer Somaliland Ilaahay uga baryay in uu cibaadada ka aqbalo, sanadka, sanadkiisana bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.

Waxa kale oo meelo kale dadweynaha kula tukaday masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UDUB iyo UCID oo qaarkood ay Masjid-jaamaca ku tukadeen, kuwaas oo iyana Ilaahay uga baryay shacabka inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabad-qab iyo dawladnimo-wanaag.
Dadweyne tiro badan ayaa lagu arkayay Jidadka waawayn ee magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo u dabbaal-degayay xuska Ciiddal-Fidriga ee sanadkan, inkastoo ay suuqyada ka jiraan sicir-barar, haddana waxa muuqday in dadweynuhu ay isu-soo-baxeen, iyaga oo ay ka muuqatay bilic-samaan.



Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland