Xarrakatul Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii Garoonka Diyaaradaha

Jicmo, September 10, 2010 (HOL) - Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sheegatay inay ka dambeyso weerarkii shalya lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho shalay iyo dowladda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkaas.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo si kooban uga hadlya weerarka, ayaa sheegay inay ka dambeeyeen ciidamo gaar loo tababaray oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab ay ku dileen ciidamo ka kala tirsan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

"Weerarku waxaa fuliyay ciidamada komaandoosta ee Xarrakatul Shabaab, waana laga gaaray hadafkii laga lahaa oo ahaa in lagu burburiyo shir ka socday garoonka oo ay lahaayeen AMISOM, DKMG ah iyo xubno dalka dibaddiisa ka yimid, kaasoo lagu maleegayay shirqoollo ka dhan ah shacabka Soomaaiyeed," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay inay uga jawaabayeen weerarkan hadal horay uga soo baxay afhayeenka AMISOM Maj. Barigye Be-huko, kaasoo ahaa inay difaacayaan garoonka iyo goobaha ay ku sugan yihiin oo aan la imaan karin.

"Maj. Be-huko, waxaan u sheegaynaa in loogu yimid halkii uu ku sugnaa, aana sii wadi doonno weerarrada noocan oo kale ah, inta ay dalka ku sugan yihiin cadowga soo duulay," ayuu mar kale yiri afhayeenka Xarrakatul Shabaab.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkaas waxayna ku tilmaameen mid fool xun, iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif uu sheegay inuu caddeyn u yahay burburka kooxaha dowladdiisa kasoo horjeeda.

Inj. C/raxmaan Yariisow oo ah wasiirka warfaafinta, oo ka hadlay arrintaas ayaa ku tilmaamay weerarkan mid ay horay uga digeen, kana mid ah weerarrada ay ku baaqday Xarrakatul Shabaab, isagoo tacsi u diray dadkii laga geeriyooday.

Weerarkii shalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho oo isugu jiray mid toos ah iyo mid ismiidaamin ah, ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 10-qof oo ay ku jiraan laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kana soo jeeda dalka Uganda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya