
Jimco, 10, Sep, 2010 (HOL) Kumanaan dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay salaada ciida goobo kala duwan oo ay u cayimeen maamulka Xarrakada Mujaahidiina Al-shabaab ee ka arrimiya goballka Hiiraan, kadib markii xalay gadiid lagu soo xiray cod baahiye dadka loogu sheegay goobaha ay ku soo tukan doonaan maalinta bari ah (Saakay).
Xerradii hore ee Melitariga Soomaaliya ee magaalada Beledweyne oo lagu magacaabo Lamagalaay ayaa waxaa maanta salaada ku oogay dadkii ugu badnaa ee soo xaadirra salaada kuwaasoo isugu jirray dhamaan qeybaha bulshada, waxaana halkaa salaada ku tujiyay waaliga walaayada goballka Hiiraan Shiikh Yuusuf Cali Ugaas.
Salaada kadib ayaa hadal uu u jeediyay dadkii isugu soo baxay salaada Shiikh Yuusuf Cali Ugaas waxaa uu ku soo qaaday arrimo u badan marxalada maanta uu dalku marayo, isaga oo carabka ku dhuftay weeraradii kala duwaan ee lagu qaaday Hotelka Muna iyo Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, isaga oo dadka ugu baaqay in ay dhinacooda qeyb ka qaataan wax uu ku tilmaamay Jihaadka socda.

Sidoo kale waxaa uu Shiikh Yuusuf qudbadiisa ku qaatay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Baadariga u dhashay dalka Mareykanka ee sheegay in maalinta 11 Sep, laga dhigo doono maalin la gubo Kitaabka Quraanka, waxaana taasi muujineysaa ayuu yiri cadawtinimada loo hayo Islaamka.
Guud ahaan magaalada Beledweyne ayaa la ciirciireysa dad isugu jirra qeybaha bulshada kuwaasoo ku faraxsan munaasabada maalinta Ciida, waxaana la arkayaa Haween, Caruur, Dhalinyarro, iyo Waayeel isku marxabeynaya Ciida wanaagsan iyo Wanaagsan, islamarkaana isku booqanaya Xaafaddaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya