Jicmo, September 10, 2010 (HOL) - Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah kuwa taageersan ra'iisul wasaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa difaacay dastuurka cusub ee dhaliyay khliaafka u dhexeeya Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Sharma'arke.
"Dastuurka cusub waa mid muhiimad gaar ah xilligaan u leh dalka Soomaaliya, wuxuuna horseed u noqon karaa in dowladdu ay kaga baxdo qaabka KMG ah oo soo taagnaa muddo 20-sano ku dhow," ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Wehliye (Waqaa) oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan magaalada Nairobi.
Mudanaha oo ka mid ahaa kuwii ka qaybgalay kulankii ay Sharma'arke iyo xubno isaga taageersan ku yeesheen Nairobi, ayaa sheegay in tiro ka badan 100-mudane ay taageereen dastuurka cusub ee lasoo bandhigay lana horgeyn doono baarlamaanka.
"Waxaa jira isku-dayo la doonayo in lagu rido xukuumadda oo madaxtooyada ka socda, waxaana xildhibaannadu ay isku raaceen inay ka hortagaan in qorshahaas uu fulo," ayuu yiri Xildhibaan Waqaa.
Dastuurkan cusub oo ay soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka biyo diiday madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inaysan jirin nabad shacabka afti looga qaadi karo, sidaa daraadeedna aan xilligaan la hirgelin karin.
Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha C/rashiid Maxamed Xiddig oo isaguna dhawaan ka hadlay dastuurkan ayaa sheegay inuu yahay mid ay ku fashilantay xukuumadda, loona baahan yahay in Ra'iisul wasaaruhu uu iscasilo.
Xildhibaan Xiddig, wuxuu ku sheegay dastuurkan lagu kala jaro dalka, maadaama aan Soomaaliya oo dhan la gaarsiin karin, iyadoo Mudane Waqaa uu ahaa mas'uulkii fashilay shirar looga horjeedo xukuumadda KMG oo ka dhacay Madaxtooyada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya