Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Qarammada Midoobay

Arbaco, 27 October, 2010 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta kulan kula qaatay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wafdi ka socda Qarammada Midoobay oo uu hoggaaminayay  Augustine P. Mahiga.

Kulanka, labadan mas’uul ay la yeesheen ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa waxay kaga hadleen khilaafka ku saabsan qaabka codka loogu qaadayo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

“Augustine iyo wafdigiisu, waxay wadeen fariin qoraal iyo cod isugu jirta, isagoo kala hadlay madaxda Soomaaliya , sidii lagu ansixin lahaa ra’iisul wasaaraha cusub, maadaama ay beesha calaamku u baahan tahay xukuumad ay la shaqeyso,” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah madaxa xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada oo kullankaas kaddib la hadlay saxaafadda.

Mr. Xaashi, wuxuu sheegay in wafdiga ay ugu baaqeen madaxda dowladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan codka ugu qaadaan ra’iisul wasaaraha cusub, isagoo xusay in Mahiga uu sheegay in calaamka uu diyaar u yahay inuu caawiyo Soomaaliya.

Kulanka, labada mas’uul iyo wafdiga ka socday Qarammada Midoobay, ayaan la ogeyn, wixii kasoo baxay, sida uu sheegay madaxa wafaafinta ee Madaxtooyada, isagoo intaas raaciyay inay si gaar ah isku arkeen madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Shirka madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha uu hoggaaminayay Augustine Mahiga, ayaa imaanaya xilli maanta la baajiyay kulan codka kalsoonida loogu qaadi lahaa ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, iyadoo baaqashadiisa lagu sheegay mid farsamo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya