Arbaco, 27 October, 2010 (HOL) - Waxaa baaqday kulan ay maanta oo Arbaco ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen Muqdisho, kaasoo ay codka kalsoonida ugu qaadi lahaayeen ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), sida uu saxaafadda u sheegay xoghaye ka tirsan baarlamaanka.
"Kulanka, wuxuu u baaqday sababo dhinaca farsamada ah, maalmaha soo socda ayuuna qabsoomi doonaa," ayuu yiri xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah xoghayeyaasha baaramaanka Soomaaliya, oo ka hadlayay sababta uu kulanku u baaqday.
Weli, waxaa jira kala fikir duwanaasho ku saabsan qaabka codka loo qaadayo oo u dhexeya xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo koox walba ay la xiriirinayso fikirka ay qabto dastuurka dalka u dagsan.
"Go'aanka Maxkamadda sare, ay ku gaartay in codka laga dhigo mid gacan-taag ah waa khaldan, waayo ma jiro qodob uu mugdi ku jiro, qodobka ah in qarsoodi laga dhigo codeynta waa mid ku cad xeer hoosaadka baarlamaanka, kaasoo dhigaya in 13-mudane haddii ay codsadaan in codka laga dhigo qarsoodi ka aqbalayo," ayay yiraahdeen xildhibaanno la safan afhayeenka Baarlamaanmka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho.
Inkastoo weli la dareemayo in lagu kala duwan yahay qaabka loo codeynayo, ayaa waxay noqonaysaa markii labaad oo uu baaqdo kulan loogu codeyn lahaa ra'iisul wasaare Farmaajo, inta lagu jiro todobaadkan, iyadoo maalintii Sabtida ahayd uu baaqday kulan lagu ballansanaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo kulan maalintii labaad shalay ku qaatay Madaxtooyada, ayaa la sheegay inay isku afgarteen in codka kalsooni siinta ra'iisul wasaaraha laga dhigo mid gacan taag ku dhaca.
Lama yaqaan, xilliga uu qabsoomayo kulanka baarlamaanka, waxaase warar hoose ay sheegayaan in loo baajiyay sidii la isku fahamsiin lahaa mudanayaasha kala aragti duwan oo koox walba ay ku adkeysanayso mooshinka ay wadato.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya