Arbaco, 27 October, 2010 (HOL) - Gudoomiyihii hore ee degmada Caluula Xareed Ciise Cumar ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo dadka degmada ka haysta burcad badeed la sheegay in halkaasi ay afduub ugu haystaan dhowr markab.
"Waxaa halkaan mudo labo bilood ah afduub loogu haystaa labo markab oo ay burcaddu soo afduubatay,mana jirto cid u istaagtay wax ka qabashada arintan" ayuu yiri Xareed Ciise Cumar oo la hadlay idaacada Horseed ee Bosaaso.
Masuulkan ayaa xusay in maamulka ay u gudbiyeen cabasho la xiriirta burcad badeeda,balse wax laga qaban waayay ,waxaana dowlada iyo waxgaradka uu ka codsaday in loo istaago sidii burcad badeeda halkaasi looga kaxayn lahaa.
"Cabashada arintan la xiriirta dhowr jeer ayaan maamulka u gudbinay,balse ma jirto cid ilaa iyo hada wax ka qabatay,iyadoo ay noo dheertahay dhibaatada ay degmada ku hayaan " ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaga oo ku sugan deegaankaasi
Labada Markabka ee Caluula lagu haysto ayaa mid kamid ah la sheegay in laga leeyahay Shiinaha,waxaana kooxda Burcadbadeeda ee haysta ay lacago madaxfurasho ka dalbadeen shirkadaha iska leh.
Ugu danbayntii maamulka Puntland ayaa la aaminsanyahay in uusan ahayn awood balaaran oo wax looga qabto burcad badeeda,waxaana dhawaan ay burcaddu afduuteen wasiir ka tirsan dowlada
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya