Madaafiic geystay dhimasho iyo dhaawac oo ciidammada ay ku garaaceen Magaalada Muqdisho

Arbaco, 27 October, 2010 (HOL) - Ugu yaraan sideed qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 16-qof oo oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic ay ciidammada AMISOM ku garaaceen Muqdisho gallinkii dambe ee shalay oo Talaado ahayd.

Madaafiicda, ayaa badankoodu waxay ku dhaceen suuqa Bakaaraha oo xilligaas laga rawaxayay, waxaana dhaawacyadii ka dhashay duqeynta shalay la gaarsiiyay isbitaallada Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen laba qof oo dhaawacyo halis ah qabay.

"Duqeymaha, oo ahaa kuwo si lama filaan ah ugu bilowday suuqa Bakaaraha, ayaa waxaan la kulmay goob ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen tiro kale," ayuu yiri Cali Muuse oo ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha, kaasoo saakay ka warbixinayay khasaarihii uu shalay arkay.

Goobjoogayaal hubka wax ka yaqaan ayaa sheegay in madaafiicdu ay isugu jireen taangi iyo PM, iyadoo xilliga ay dhacayeen aysan jirin wax iskahorimaadyo ah oo ka socday Muqdisho.

Saldhigyo y ciidammada AMISOM, ku leeyihiin Muqdisho, ayaa laga tuurayay madaafiicda, waxaana tani ay imaanaysaa xilli gallinkii hore ee shalay qarax lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidammada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi, taasoo ay ku waxyeello kasoo gaartay ciidankii lagu weeraray iyo dad shacab ah.

Weerarkaas miino, ayaa waaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Xarrakatul Shabaab oo ah kooxda ugu awoodda badan kooxaha dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ee ay taageerto Qarammada Midoobay iyo ciidammada AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya