
Jicmo, Oktoobar 01, 2010 (HOL) - Shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen hogaamiyeyaasha suxufiyiinta bariga Afrika oo uu soo qabanqaabiyay ururka suxufiyiinta bariga afrika Eastern Africa Journalist Association (EAJA) isla markaana ah kulanka guud ee ururka ayaa manta ka furmay hotelka Kempinska ee magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti.
Shirka waxaa furay Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghaya Guud ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika oo sidoo kale ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. Cumar Faaruuq waxaa uu tilmaamay in shirkan uu yahay shir sadax sanadle ah oo ay isugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan wax qabadkii ururka ee Mudadii 3-da sano aheyd iyo in uu doorto hogaan cusub oo hogaamiya ururka muddada soo socota. “Ururku wuxuu ku tilaabsaday talaabooyin muhiim ah oo wax ku ool ah si uu u gaaro hadafkii ururka”. Cumar Faaruuq waxaa uu ku soo dhaweeyay hadalka Guddoomiyaha Ururka EAJA Dr.Muheldin Ahmed Idris oo tibaaxay waxqabadkii ururka ee mudada lasoo dhaafay.

Shirkaan ayaa furintaakiisa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ahna afhayeenka dawladda Djibouti Cali Cabdi Faarax oo qudbo dheer ka jeediyay furitaanka shirka. Cali Cabdi Faarax waxaa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan suxufiyiinta bariga afrika dadaalka ay wadaan oo xaruntiisu ay tahay magaalada Djibouti. Wasiirka waxaa uu hambalyo u diray suxufiyiinta bariga Africa asaga oo ku tilmaamay in ay gaareen guulo la taaban karo oo kor usoo qaaday codka iyo muuqaalka Suxufiyiinta Bariga Africa.”Waxaan diyaar la nahay in aan sii wadno taageerada aan siineyno Ururka Suxufiyiinta si aan ugu fududeyno howshooda ay u hayaan suxufiyiinta Bariga Afrika” ayuu yiri Cali Cabdi Faarax.
Cali Cabdi Faarax waxa uu soo dhaweeyay kulanka guud ee shirka oo lagu dooran doono Guddoomiye, Xoghaye guud, iyo Guddi fulin oo hoggaamin doona ururkan seddexda sano ee soo socota. Wasiirka Warfaafinta Djibouti waxa uu sidoo kale sheegay in Djibouti ay tahay meel aad looga xurmeeyo saxaafadda iyo suxufiyiinta wuxuuna ugu baaqay dalalka kale ee bariga Afrika in ay tallaabadaas oo kale qaadaan.
Marti sharafta goobta ka hadashay waxaa sidoo kale ka mid ahaa wakiilka UNDP iyo UN system-ka ee Djibouti, Hodan Haji Mohamud, oo iyaduna si wayn u soo dhawaysay howsha ururka suxufiyiintka Afrika ay qabteen 3 dii sano ee la soo dhaafay.
Martida kale ee shirka ka hadlay waxaa sidoo kale ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika, Federation of African Journalists (FAJ), Mr. Foster Dongozi, iyo Pa Louis Thomasi, oo ah sarkaal sare, kana socday ururka suxufiyiinta caalamka, International Federation of Journalists (IFJ) oo shirka ka aqriyay farriin hambalyo ah oo uu ka siday madaxwaynaha ururka suxufiyiinta Caalamka, Jim Boumelha.
Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee EAJA oo sidoo kale ah Xoghayaha Guud ee ururka qaranka suxufiyiinta Soomaalliyeed ayaa ayaa shirka ka jeediyay warbixin ku saabsan hawlihii EAJA ay qabatay seddexdii sano ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha uu higsanayo ururkan seddexda sano ee socota.
Shirka ayaa waxa uu socon doonaa muddo seddex maalin ah iyadoo maalinta Axadda ah ay dhici doonto doorashada guud.
EAJA waxaa ku midaysan ururada saxaafadda ee dalalka Somalia, Djibouti, Kenya, Uganda, Burundi, Rwanda, Ethiopia, Tanzania, Sudan iyo Seychelles. Shirweynahan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu casumay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise.
Hiiraan Online, News Desk.