Ciidammo Itoobiyaan ah oo dad isugu jira waayeel iyo dhallinyaro ku xirxiray deegaan ka tirsan goballka Hiiraan

Jimco, Oktoobar 01, 2010 (HOL) - Wararka laga hellayo deegaannka Baar-dhuyac oo qiyaastii 40-km dhinaca W/qooyi galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay howl-galo ay halkaa ka sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya lagu xir xiray dad isugu jira odayaal iyo dhalinyarro ka tirsan dadka deegaannka.

Waxaa kaloo wararku intaa ku darrayaan in dadka ay xir xireen ciidamada Itoobiya ula talaabeen gudaha Itoobiya, ilaa haddana sida ay sheegeen qaar ka mid ah odayaasha deegaannka lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa qab qabashada ciidamada Itoobiya kula kaceen dadka rayidka ah.

Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn marka laga soo tago xariga, baaritaanno ciidamada Itoobiyaanku halkaa ka sameynayeen kuwaasoo cabis ku abuurtay in badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannka Baar-dhuyac oo markii ugu horeysay ay u aheyd in deegaannkooda laga qab qabto dad rayid ah.

deegaannka Baar-dhuyac ayaa dhawaan waxaa dagaal ku dhaxmaray xoogagga Xarrakada Al-shabaab iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaa fariisin ku lahaa kadib markii xoogagga Xarrakada Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay halkaa ku lahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.