Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka ugu baaqay in Soomaaliya loo dhiso Qaran cagihiisa isku taaga

Jimco, 01 October, 2010 (HOL)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Soomaaliya la dhiso Dawlad-Qarameed cagihiisa isku taaga, isla markaana wuxuu baaq u jeediyay Garaaddada iyo Madax-dhaqameeddada Gobolka Sool.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa uu ka hadlay sugidda Amniga iyo kaalinta shacabku ku leeyahay, waxaanu dedafeeyay inay xukuumad ahaan ogolaan karaan in Somaliland ay marin u noqoto kooxaha xag-jirka ah ee doonaya inay ku duulaan dalalka nabdoon ee Geeska Afrika. “Marna dantayada ma noqon karto (Inay Somaliland marin u noqoto xag-jirka), waayo waddo halaq-mareen ah ma noqon doonto ee dihbaatooyin culculs ayaa laga fulinayaa haddaaanu ogolaano, ilaa hadda waxaanu ku badbaadnay Shacabkayaga oo u bisil inay dantooda ilaashadaan, iyagaana Boolis ah,” ayuu yidhi Wasiirka oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

 

Dr. Gabboose wuxuu sheegay in Ciidamada Booliska ee magaalada Berbera ay fashiliyeen hawl-gal aanu faahfaahin, balse ka dhan ah nabadgelyada, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Saacaddaa aanu joogno waxaanu Berbera ku fashilinay hawl-gal wayn oo aanu warbaahinta u soo bandhigi doono. Mararka qaar hadday wax fakadaanna wax lala yaabo maaha, sababtoo ah dalka u wayn dunida ee Maryakanka ayaa duhur cad Diyaaradheeda lagu weeraray, taa macnaheedu maah in aanu dalku feejignaan ku jirin, waanu taxadirnaa intii awooddayada ah.”

 

Wasiirku wuxuu ka digay khatar dalalka Geeska Afrika kaga soo fool-yeelata xasillooni-darada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay in la dhiso dawlad cagaheeda isku taagta. “Soomaaliya iyo Muqdisho arrinta ka socota haddaan la xalin, madnaqadda oo dhan ayay khatar ku tahay, Itoobiya, Kenya, Somaliland iyo guud ahaan dalalka Mandaqadda Geeska Afrika ayaan ka badbaadayn. In xal loo helo oo Qaran jira oo cagihiisa ku taagan la helo, ayay madnqadda ku badbaadaysaa,” ayuu yidhi Gabboose, waxaanu intaa raaciyay  oo uu yidhi, “Somaliland qaranimadeedu way taagan tahay, iyada oo aan dhaqaale haysan ayay ku faanaysaa inay qabatay wax ay ku fahsilmeen dlalka waawayn ee Dunidu.”

 

Mar uu Wasiirku ka hadlayay afduub ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sool oo lagu qafaashay dad shacab ah, si xukuumadda Somaliland u sii dayso dad loo haysto falal argagixiso iyo kuwo Budhcad-Badeednimo, ayaa waxa uu wasiirku sheegay in aanay marna dhacayn in la sii daayo dad dembiilayaal ah, isla markaana aanay dadkaas shacabka ah ku bedelayn dad dembiilayaal ah. “Afka Xukumaddu waxa weeye, la siin dayn maayo ee yaan wakhti idinkaga lumin, qarankan siyaasad baa u taal oo baad ku bixin maayo in la sii daayo dad dembi ku xidhan,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu Garaaddada iyo madax-dhaqameedka deegaankaas ugu baaqay inay sii-daynta dad ku afduuban deegaannadaas ka hawl-galaan, isla markaana dhaqanka Bulshada la dhawro.

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.