Jimco, Oktoobar 01, 2010 (HOL) - Arday tiradoodu gaarayso 37-ruux oo isugu jiray wiilal iyo gabadho kana qalin jabiyay machadka Hhorumarinta Haweenka ee Qamar ayaa loo dhigay munaasabad lagu guddoonsiiyay shahaadooyin, waxayna ka qalin jabiyeen dhowr xirfadood oo lagu barto machadka.
Munaasabadda shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay ardaydan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan dowladda, gaar ahaan Ra'iisul wasaraha KMG ah C/waaxid Goonjeex, wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska Fowziyo Maxamed Sheekh, wasiirka wafaafinta Eng. C/raxmaan Yariisow, xildhibaanno, maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan.
Ardayda, ayaa waxay kala barteen, maamulka iyo maareeynta xafiisyada, ku shaqeynta Kambiyuutarka iyo xirfado kale, waxaana shahaadooyinkooda guddoonsiiyay ra'iisul wasaaraha KMG ah, waxaana ardaydan ay wax ku baranayeen si lacag la'aan ah.
Machadka oo loogu magacdaray wasiiraddii caafimaadka Soomaaliya Qamar Aadan Cali oo ka mid ahayd wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu dilay qarax ka dhacay Hotel Shaamow ee Muqdisho 3-dii December 2009, waxaa machadka la aasaasay 10-kii December, kaddib toddoba casho geerideedii.
Mahadka hourmarinta haweenka ee Qamar, ayaa waxaa dhinta 401-arday, iyadoo 92% ay yihiin haween, waxaana lagu bartaa, xifado kala duwan oo ay ku jiraan sida loo tolo dharka iyo farshaxanka.
Wasiirradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa sheegtay in howshan ay tahay mid lagu horumarinayo waxbarashada haweenka, ayna wadi doonaan, waxaana sidoo kale ka mahadceliyay wasiirka wafaafinta Inj. C/raxmaan Yariisow.
Ra'iisul wasaaraha KMG ah ee Soomaaliya C/waaxid Cumar Goonjeex oo xafladda soo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ardayda ka qalinjabiyay machadka markii ugu horreysay tan iyo markii la furay, wuxuuna ku boorriyay ardayda kale ee ku jira machadka inay dhabar adayg muujiyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya