Jimco, 12 Feb, 2010 (HOL) Dagaallo iyo duqeymo ay ku dhinteen dad ku dhow 10-qof ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ku dhow 25-qof oo shacab ah.
Dagaalladan oo ka dhacay degmooyinka Wardhiigley, Yaaqshiid, Boondheere iyo Hodan aya waxay u dhexeeyeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha kasoo horjeeda, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hub kala duwan.
Madfac ka mid ah kuwii la isku dhaafsanayay dagaalka ayaa ku dhinacay gaari nooca dadweynaha qaada ah oo marayay jidka 30-ka gaar ahaan agagaarka Hotel Bin Cali ee degmada Yaaqshiid, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Baska uu madafaca ku dhacay oo waday rakaab ayaa la sheegay inay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen dad ku dhow 10-qof, kuwaasoo la gaarsiiyay Isbitalka Kenysay sida uu sheegay Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa Hay'adda gaadiidka gargaarka deg-degga ah ee Muqdisho ka shaqeeya.
Dagaalladii ka dhacay Waqooyiga Muqdisho ayaa waxay sidoo kale kale sababeen dhimasho soo gaartay dad rayid ah, iyadoo dagaal kale oo kaas daba socday ay ka dhaceen galabta xaafado ka tirsan Degmada Hodan.
Iskahorimaadyo toos ah iyo madaafiic ayay dhinacyadu isku adeegsadeen, iyadoo xooggiisa uu ka dhacay agagaarka Tarabuunka oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa kasoo horjeeda.
Khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay ayaan la sheegin, iyadoo dagaalkan uu ka mid noqonayo kuwo khasaarooyin kala duwan geystay oo todobaadkan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya