Tababarkii Tababarayaasha K/Koleyga Soomaaliya Oo lagu Soo Gabagabeeyay Djibouti (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, Feb, 12, 2010 (HOL) Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay  tababarka Tababarayaasha Kubadda Koleyga heerka 1-aad [Coaches Clinic Level  I ]oo ay soo qabaqanqabiyeen FIBA iyadoo ay maalgelinayso  Olympic Solidarity, wuxuuna socday 2-dii ilaa 11-kii bishan.

 

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay  kuna saabsan xeritaanka  tababarkan ayaa  waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiinta ugu sareysa Olambikada labada  dal iyo mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada Kubadda Koleyga iyo Kubadda Gacanta,Saraakiisha sare ee Ilaalada Jamhuuriga [ Guardian Of Republic] .

 


Ugu horeyn  waxaa  halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka XSKK C/Casiis Godah oo ka warbixiyay sida wacan ee Tababarkan ugu soo gabagaboobay wuxuu tibaaxay in XSKK uu dadaal u galay hirgelinta Tababarka una soo xulay Tababarayaal lagu kalsoonaan karo waxqabadkooda .wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti XKKJ,XKCJ iyo saraakiisha xerada Ilaalada jamhuuriga iyo Khabiirka R.Owino  oo uu ku tilmaamay Macalin wajiibkiisa si wanaagsan ugu soo dhilaalay.

 


Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Somaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish]  oo ku dheeraaday  in muddo bilooyin ah ku dadaalayeen  taabagelinta tababarkan oo uu sheegay in ay GOS kala kaashadeen Olympic Solidarity  oo maalgelisay tababarkan  wuxuuna u mahadceliyay mas`uuliyiinta XSKK, madaxda  isboortiga jabuuti oo uu sheegay in ay mar in aan mar walba la iloowi  karin walaaltinimda ay u muujiyeen  walaalahooda Soomaaliyeed .

 

Wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha tababarkan qaadanaya in ay ka faa`ideysataan  fursadan qaaliga  isla markaasna ay noqdaan kuwo  u faa`ideeya jiilka soo koraya ee K/Koleyga. Dhanka kale Guddoomiyaha GOS  ayaa ugu mahadceliyay shirkadaha  ganacsiga ee Jubba Airways iyo Qaran Express oo gacan muhiim ah ka qaatay  dhiirigelinta isboortiga Soomaaliyeed .

 


Macalin R. Owino  oo Tababaraha Tababarayaasha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee tababarkan u  socda ayaa wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu  Tababarka si guul leh ugu soo dhamaado wuxuu sheegay inuu aad ugu raaxaystay sida wacan ee ay  Tababarayaasha  ugu heelanaayeen tababarka , wuxuu talo xiriirka ugu soo jeediyay in ay sii labalaabaan dadaalka horumarinta isla markaasna mar walba ay noqdaan Tababarayaasha kuwo soo saaro da`yar Kubadda koleyga oo dalkooda wax tara , wuxuu kula dardaarmay in Tababrayaasha haatan Course qaatay ay noqdaan kuwo isku xiran oo urur yeesha kana shaqeeya horumarinta Kubadda Koleyga .

 

Guddoomiye ku xigeenka  Guddiga Olambikad Jabuuti  Faysal C/raxmaan A.Raguib ayaa  tibaaxay in ay farxad u tahay inuu arko  sida weyn ee isboortiga Soomaaliyeed kor loogu qaadayo  wuxuu GOS u balan qaaday in ay mar walba la garab joogaan hiil hooba .

 

Cornel. Maxamed Jaamac  oo ah Sarkaalka maamula  Xerada Tababarka ay ku qaadanayeen Tababarayaasha K/Koleyga  ee Ilaalada Jamhuuriga  [Guardian De Republic ] ayaa kula dardaarmay Tababarayaasha Soomaalyeed in ay ka shaqeeyaan horumarinta ciyaarahooda gaar ahaan Kubadda koleyga  wuxuu sheegay in ay mar walba caawinayaan Isboortiga Soomaaliyeed .

 

Kusimaha  Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe  iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Jabuuti  Axmed  Daahir Good  ayaa  iyagu ku dhiirigeliyay Macalimiinta qaatay Tababarka in ay mar walba xasuusnaadaan sidii ay u caawiyi lahaayeen saaxibadood aan fursadda u helin iyo in ay soo saaraan macalimiin  gaarta heer  wanaagsan.

 

Waa  markii labaad tababar  Caalami ah  oo ay ka qeybqaadanayaan tababarayaasha K/Koleyga   oo heerka 1-aad waxaana kani uu uga duwanaa xagga tirade (21) iyo  meel ka baxsan dalka oo lagu qabanayo.





Isboorti Chief Editor

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

Email:[email protected]