Beelo ku dagaallamay degmada Qardho oo gagdhow Geel ah kala qaatay

Jimco, Feb, 12, 2010 (HOL) Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar Kaar waxaa lagu soo gaba gabeeyay Colaad u dhaxaysay labo beelood oo wada dega  Gobolkaasi ,kuwaasi oo ay ka dhaxaysay dhiilo Colaadeed.
 
Labada Beelood ayaa meel ka baxsan magaalada waxa ay ku kala qaateen Geel dhan 100 Tuldood,iyadoo ay Goobta  joogeen Qabiiladii ay dhibaatadu kala gaartay.
 
Waxaa Goobta magta lagu kala qaatay soo xaadiray  Madaxwaynihii hore ee Puntland ,General Cade Muuse, Guddoomiyaha Degmadda   Qardho,Guddoomiyaha Gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan iyo qaar  ka mid ah odayaasha ugu muhiimsan Puntland.
 
Beelaha Magta kala qaatay ayaa ahaa (Warfaa Cali Bahdir-rooble iyo Bah-yaaquub) kuwaasi oo wada Dega Magaaladda Qardho,waxaana coladooda ay  ka soo  bilaabtay Dad ay iska kala dileen.
 
Madaxwaynihii hore ee DGPL General Cade oo khudbad  ka jeediyay Shir lagu qabtay guriga degmada Qardho ayaa sheegay in ay Muhiim tahay Dhamaynta khilaafadka u dhaxeeya beelaha wada daga meelo ka mid ah Puntland.
 
Waxaa kaloo Cade Muuse uu Maamulka degmada ku eedeeyay in ay iska iska indho tiraan badanaa  Colaadaha ka jira meelo ka mid ah gobolka kar kaar ,isagoo Beesha Cismaan Maxamud u jeediyay in ay ka garbaxaan beelaha ay isla daganyihiin.
 
Ugu danbayntii odayaasha degmada Qardho ayaa ka codsaday Maamulka in amaanka aad looga shaqeeyo ,waxaana Qardho ka dhacay Bilihii la soo dhaafay Colaado sokeeye oo u dhaxeeya beelaha wada dega Gobolka Kar Kaar.
 
Faisel Maxamed Hassan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya