Mas'uuliyiinta Maamulka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan oo maanta meel fagaaro ah kala hadlay dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, Feb, 12, 2010 (HOL) Mas'uuliyiinta Maamulka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan ayaa maanta ayaa maanta markii ugu horeysay meel fagaaro ah kala hadlay dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne kadib kulamo maalmihii aynu soo dhaafnay Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam iyo Odayaasha qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan Goballka Hiiraan.

 

Gaadiid ay ku xiran yihiin Cod baahiyayaal ayaa lagu dhax arkayay magaalada ayaga oo dadka ugu baaqaya in ay soo xiraan goobahooda ganacsiga si looga wada qeyb-galo isku soo baxa ka dhacay Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan, oo sida la sheegay lagu ayidayay hishiisyo ay gaareen qaar ka mid ah beelaha Goballka Hiiraan iyo Maamulka Xisbul Islaam.

 

Mas'uuliyiintii ka hadashay isku soo baxa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa Arrimaha Bulshada Shiikh Salmaan Sahal Muuse oo siweyn u soo dhaweeyay kulamadii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo hishiisyadii ay gaareen beelaha Goballka iyo maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan, waxaana uu dadka ku booriyay in laga foojignaado wax uu ku tilmaamay gacan siinta dadka u shaqeeya Cadawga.

 

Sidoo kale waxaa dadkii isku soo baxay meel fagaaro ah kala hadlay Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Maamulka Xisbul Islaam Shuuriye Faarax Sabriye oo sheegay in waxa la taageerayo micnahoodu aheyn Xisbul Islaam laakiin loo baahan yahay in la taageero Kitaabka Alle, waxaana uu intaa ku daray in bulshada ku dhaqan Goballka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledeyne looga baahan yahay in ay saxaan Maamulka haddii ay ku arkaan wax aan munaasab ku aheyn shareecada Islaamka.

 

Sikastaba ha ahaateen isku soo baxa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa la oran karaa ma'aheyn mid la mid ah isku soo baxyadii horay uga dhaci jira fagaaraha xarunta maamulka Goballka marka loo eego tirada dadka ka soo qeyb galay.



 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]