1/5/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 5 , 2010
Xaflad Qalinjabin Jaamacadeed ah oo markii ugu horeysay ka dhacday Kismayo (SAWIRO)

Khamiis, Agoosto 05, 2010 (HOL) - Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay islamarkaasina ka dhacday xarunta Jaamacadda Kismaayo ayaa waxa shahaadooyin lagu gudoonsiinayay dufcadii ugu hroeeysay ee ka qalin jabiso jaamacadda Kismayo University.

Goobta ay xaflada ka dhaceysay ayaa waxa kasoo qeygalay bahda waxbarashada ee gobollada Jubooyinka, ganacsatada iyo weliba odoyaal dhaqameedyo ka kala yimid qeybo katirsan gobolka J/hoose, waxaana xafladaasi shahaadooyin iyo weliba abaalmarinno lagu gudoonsiinayay dufcadii koowaad ee ka qalinjabiso jaamacadda Kismaayo.

Waxaa ugu horeyn halkaasi qudbad kasoo jeediyay madaxa qabanqaabada xaflada Mr. Xamze oo ugu horeyntii u mahadceliyay guud ahaanba kasoo qeybgalayaasha xaflada, waxaana uu sidoo kale u hambaleyeeyay ardeydii maanta qalinjabisay isagoona sheegay in ay tahay arin lagu farxo in maanta magaalada Kismaayo ay ka qalinjabiyaan ardey gaareysa ilaa 18 ardey.

Gudoomiyaha dallada waxbarashada jubooyinka Axmed Faarax Cali aweys oo qudbad dheer halkaasi kasoo jeediyay ayaa waxa uu siweyn ugu xeeldheeraaday ahmiyadda ay leedahay waxbarashada, isagoona kula dardaarmay ardeydii la gudoonsiinayay shahaadada in ay cilmigii la baray gaarsiiyaan dadka walaalahooda ah ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxa waxbarashada Jaamacadda kismaayo Cismaan Max'ed Ismaaciil oo isna halkaasi qudbad ka jeediyay ayaa xusay in ardeyda 18-ka ah ee maanta ka qalinjabineyso Jaamacadda Kismaayo ay yihiin kuwii lagu furay jaamacadda, waxaana uu sheegay in ay yihiin arday magac usoo hoyday guud ahaanba gobollada jubooyinka maadama buu yiri intii lagu gudo jiray burburkii soomaaliya ay ardayda soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa ku dhaqan gobollada jubooyinka waxbarasho u raadsan jireen dalka dibadiisa, haseyeeshee waxa uu sheegay in ay maanta wax lagu farxo tahay in magaalada Kismaayo maanta laga hirgeliyay Jaamacadd.

"Xilligii aan maqlay jaamacad ayaa laga furay magaalada Kismaayo aad ayaan u farxay, walow ay xiligaasi jirtay xaalad amaandarro balse aniga waxay ii ahayd fursad dahabi ah, islamarkiiba jaamacadda ayaan iska diiwaangeliyay Shan sano kadibna maanta waxaan ku faraxsanahay in aan helo Shahaado," ayuu yiri C/risaaq Max'ed Ismaaciil oo kamid ah ardeydii qalinjabineysay

Fartuun C/kariin oo kamid ahayd gabdhihii maanta la gudoonsiinayay oo HOL u waramaysay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay shahaadada ay hanatay iyadoona arintaasi uga mahadcelisay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Kismaayo.

Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha guud ee jaamacadda Kismaayo waxaana uu sheegay in Jaamacadda kismaayo oo la aasaasay 1-dii Septembar 2005, ay soo martay marxalado kala duwan, waxaana uu ka codsaday masuuliyiinta shirkadaha magaalada Kismaayo ee kasoo qeybgashay xafladaasi in ay mudnaanta koowaad siiyaan ardeyda ka qalinjabiso jaamacada Kismayo University.

Ardeydan maanta ka qalinjabisay jaamacadda Kismaayo ayaa noqoneysa ardeydii ugu horeeysay ee ebed ka qalinjabisa jaamacad ku taal gobollada jubooyinka maadama magaalada gobollada jubooyinka aanan weligeed laga hirgelin jaamacad, waxaana ardeyda wax ka barata dugsiyada sare ee magaalada Kismaayo ay waxbarasho u raadsan jireen dalka dibadiisa ama gobollada kale ee dalka Soomaaliya.



-- 
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya