Maamulka Jaamacadda Burco oo ka hadlay kulan la xidhiidha horumarinta Jaamacaddaas

Khamiis, 05 August, 2010 (HOL)- Maamulka iyo guddida Jaamacadda Burco, ayaa ka hadlay kulan la rejaynayo in lagaga hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada iyo tayada Jaamacadda Burco.

 

Guddida iyo maamulka Jaamacadda Burco oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Jaamacaddaas, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay guddoomiye-xigeenka Jaamacaddaas Prof. Ismaaciil Sh. Carraale oo ka warbixiyay ujeedada shirkooda jaraa’id. Waxaanu sheegay in ay ku baaqayaan in laysugu yimaado kulan lagaga arrinsanayo hawlaha Jaamacadda Burco iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee duruusta ay Jaamacaddu bixiso.

 

“Jaamacadda Burco marka hore waa rugta aqoonta ee Gobolkani leeyahay, waxaanay had iyo goor u heellan tahay inay horumariso oo ay kaabto aqoonta bulshada Gobolkani Togdheer, sidaas daraadeedna kulan aqooneedkani waxa uu kaga gedisnaanayaa shirarkii kale ee la midka ahaa in lagu soo martiqaaday dadkii aqoonta lahaa. Waxaana la doonayaa in laga faa’iidaysto aqoontooda iyo talo-bixintooda, maadaama oo ay Jaamacadda Burco tahay xiligani mid ka mid ah jaamacadaha dalaka ugu wanaagasan,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil.

 

Prof. Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in maalinta axadda ay Jaamacaddu qaban doonto kulankaas, kaas oo uu sheegay in lagu casuumay xubno ka socda Dawladda Somaliland, aqoonyahan, qurba-joog, ganacsato iyo marti-sharaf kale. Waxaanu sheegay in xubnaha lagu marti-qaadayo kulankani ay adkeeyaan ballanka.

 

Dadkii kale ee halkaa ka hadlay waxa isna ka mid ahaa, Keyse Jaamac Ismaaciil oo ka mid ah qurba-joogga Somaliland oo sheegay in qurba-joogga Somaliland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Togdheer ay kaalin mug leh ka qaataan horumarinta gobolka. Waxaanu ku baaqayi n laga wada shaqeeyo arrimaha horumarinta.

 

Ugu Danbayntii waxaa iyana halkaa ka hadlay xubno ka tirsan macalimiinta Jaamacadda, Guddiga Ardayda iyo Qurbajooga aqoonyahanada ah ee isku hawla horumarka jaamacada, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in cid kasta oo lagu soo martiqaado kulankaas.

 

Kulankan ayaa ku soo beegmay wakhti ay dhawaan maamulka Jaamacadda Burco ku dhawaaqeen in qaybaha waxbarashada Jaamacadda ku soo kordhinayaan Kuuliyadaha barashada Saxaafadda.

 

Sahra Maxamed Cali     Hiiraan Online

[email protected]
Burco, Somaliland.