Maamulka Ahlusunna ee Caabud-waaq oo amarro kusoo rogay arooska

Khamiis, August 05, 2010 (HOL) − Maamulka Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee degmada Caabud-waaq ayaa mar ka soo baxay waxaa ay markii ugu horeysay ku mamnuuceen gadiidka tirada badan ee loo isticmalo xiliyada Arooska, iyaga oo sheegay in aan loo baahneyn in gadiid badan lagu galbiyo Arooska.

''Looma baahan wax ka badan Sadax baabuur in lagu galbiyo Arooka ka dhaca degmada Caabud-waaq,'' ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Nabad-galayada degmada Caabud-waaq'' oo dhinaca kale sheegay in dadku siweyn u soo dhaweeyay go'aanka dhinacooda ka soo baxay ee ah la yareeyo gadiidka raaca ama lagu qaado Arooska.

Amarka ka soo baxay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee degmada Caabud-waaq ayaa ku soo beegmaya xili modooyinkii ugu danbeeyay degmada Caabud-waaq lagu arkayay gadiid aan tiro yareyn oo loo isticmaalo galbinta Arooska, taasoo maamulku uu ku tilmaamay mid xad gudub u muuqan karta.

Dhinaca kale dhawaan ayeey aheyd markii uu maamulka Caabud-waaq ee Ahlu Sunna Waljameeca amar ku soo rogay dadka aan aan tukan Salaada iyo kuwa xiliyada salaada loo dareero ku mashquulsan danahooda gaarka ah, waxaana uu maamulku sheegay in cidii lagu qabto iyada oo howlo gaar ah ku jirta xiliga Salaada la waafajin doono shareecada Islaamka.

Ma'aha oo kaliya goobaha amarada noocan oo kale ah lagu soo rogay deegaannada ay ka tiliyaan Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee sidoo kale waxaa xusid mudan in goballada uu ka jirro maamulka Xarrakada Al-shabaab kol hore lagu soo rogay in aan la arki karin goobo ganacsi oo furan waqtig Salaada iyo in la yareeyo gadiidka lagu qaado Arooska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya