Dibadbax lagu cambaareeyay qaraxii shalay oo Muqdisho ka dhacay

Khamiis, August 05, 2010 (HOL) - Mudaaharaad looga soo horjeeday qarax shalay lagula beegaday degmada Boondheere haween howlo nadaaafadeed ka waday degmadaas ayaa maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

"Kuwii ka dambeeyay qaraxii waxyeellada loogu geystay haweenkii ka shaqeynayay nadaafadda, waxay ahaayeen kuwo damiir laawayaal ah, oo diidan dowladimada Soomaaliya," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo dibadbaxa ka hadlay.

Mudane Tarzan, wuxuu sheegay in qaraxaas uu sii xoojinayo niyadda ay u hayaan inay laba-jibaaraan howlaha uu maamulka gobolku ku doonayo inuu ku nadiifiyo degmooyinka gobolka, isagoo diiday inuu cid gaar ah eedda dusha ka saaro.

Mudaaharaadka ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno ay ka mid yihiin wasiirka dhaqancelinta iyo arrimaha bulshada Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo xubno ka kala socday ururka haweenka Soomaliyeed iyo dalladda bulshada rayidka ah ee gobolka Banaadir.

"Qaraxii ka dhacay Boondheere ee lala beegsaday haweenkii nadaafadda ka shaqeynayay wuxuu ahaa mid damiir xumo ah oo lagu doonayay in cabsi lagu geliyo haween go'aansaday inay dalkooda u shaqeeyaan," ayay tiri haweeney ku hadlaysay urur haweenka Soomaaliyeed oo dibadbaxa soo qabanqaabiyay.

Haweenkii kasoo qaybgalay dibadbaxan ayaa waxay madaxa ku xirteen maryo cadad oo ay ku qoran yihiin erayo ay kaga soo horjeedaan qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho iyo kuwii ka horreeyay ee lagu dilay haween ka shaqeynayay nadaafadda waddooyinka gobolka Banaadir.

Dibadbaxa ayaa kusoo gabgaboobay jawi nabadeed, iyadoo ururka haweenka ay hambayo u direen hablo suxufiyiin Soomaaliyeed ah oo sheegy inay asaay u qaadeen Soomaaliya ayna dajinayaan marka dalku uu nabad noqdo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya