Burcadbadeed Soomaaliyeed oo qabsatay Markab kuwa shidaalka ah oo laga leeyahay dalka Koofurta Kuuriya.

Axad, April 04, 2010 (HOL) - Marka ay leedahay dowladda K. Kuuriya ahna kuwa shidaalka qaada ayaa galabta burcadbadeed Soomaaliyeed  ku qabsadeen xeebta Geeska Afrika.

Markabkaan oo lagu magacaabo "The Samho Dream" ayaa wuxuu shidaal ka soo qaaday dalka Ciraaq wuxuuna ku sii jeeday dalka Mareykanka marka ay qabsadeen burcadbadeed Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen wasaaradda arrimaha dibadda ee K.Kuuriya.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Markabkan ayaa wuxuu hadda ku sii jeedaa magaalada Xaradheere oo xaruun u ah maraakiibta la soo qafaasho.

Maalmahaan dambe burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa soo kordhiyey weerarka ay ku hayaan markiibta soo mareysa Gacanka Cadan iyo badweynta Hindiya.

Xafiiska Wararka ee Hiiraan Online