Barakacayaal ku nool degmada Baydhabo oo ku sumoobay raashin gargaar ah oo ay u qaybisay Hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC

Axad, April 04, 2010 (HOL) Ugu yaraan 1-qof ayaa ku dhintay 9-qof oo kalena waxaa la dhigay Isbitaalka Baydhabo, kaddib markii ay cuneen raashin sumeysan sida uu sheegay Dhaqtarka guud ee Isbitaalka Baydhabo Dr. C/lla Guure.

Dadkan oo ahaa barakacayaal ayaa la sheegay inay ku sumoobeen raashin gargaar ah oo ay u qaybisay Hay'adda ICRC, kaasoo ahaa digir, waxaana dadkan ay ahaayeen barakayaal ku noolaa xeryaha Magaalada Baydhabo.

"Isbitaalka waxaa la keenay 9-qof oo xaaladdoodu ay aad u liidato, markaan ku sameynay baaritaanna waxaa noosoo baxday inay sumoobeen, qof inuu sunta u dhintay ayaana naloo sheegay" ayuu yiri Dr. C/lla Guure.
Dhaqtarku wuxuu sheegay in xaaladda dadka ku jira Isbitaalka ay aad u liidato, isagoo daboolka ka qaaday inay u wadaan daweyn iyo sidii ay jirkooda uga saari lahaayeen sunta ay cuneen.

Ma sheegin nooca sugnta dhaqtarka, balse goobjoogayaal ka mid dadkii ku jiray kaamka dadkan ay ku sumoobeen ayaa sheegay in dadka raashinka markii la siiyay ay karsadeen markii ay cuneenna ay matag iyo shuban daran bilaabeen.

Mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaan weli ka hadlin dadkan sumoobay, iyadoo sidoo kale Maamulka Hay'adda ICRC aysan iyaguna wax jawaab ah ka bixin arrintan.
Barakayaasha ku sugan degmada Baydhabo ayaa waxay ku jiraan kaamam dhowr ah, iyagoo dhawaan ka codsaday hay'adaha gargaarka inay lasoo gaaraan gargaar aadamnimo, kaddib markii ay lasoo daristay xaalad nolol xumo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya