Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Culummada Ahlusunna oo saakay ku dagaalamay deegaan ka tisran Gobolka Galguduud

Axad, April 04, 2010 (HOL) Dagaallo u dhexeeya Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa saakay ka dhacay tuulada Gal-qoryaale oo u dhexeysa degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel ee Gobolka Galguduud.

Inkastoo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkan inta uu le'eg yahay ayaa goobjoogayaal ku sugan deegaankaas waxay sheegeen in labada ciidan ee dagaalku u dhexeeyay ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, dadkuna ay isaga carareen.

"Dagaalku wuxuu bilowday saakay aroortii hore, mana jiraan wax khasaare ah oo aan arkay, waayo dadka oo dhan way ka carareen guryahooda, waxayna aadeen dhulka howdka ah" ayuu yiri goobjooge aan magaciisa sheegin oo ku sugan deegaanka Gal-Qoryaale oo uu dagaalku ka dhacay.

Wararka ka imaanaya deegaanka oo ay horay gacanta ugu haysay Ahlusunna ayaa sheegaya in Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay qabsatay, iyadoo ciidamadii Ahlusunna aan la garanayn halka ay aadeen, waxaana ku sugan haatan deegaanka ciidamada Xarrakatul Shabaab.

Tuulada lagu dagaalamay ayaa waxaa weerarka ku qaaday Xarrakatul Shabaab, iyadoo saraakiisha Ururka Ahlusunna ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan dagaalka iyo qaabka uu u dhacay, iyadoo Xarrakatul Shabaab aysan iyaguna ka hadlin dagaalka.

Dagaalkan ayaa qayb ka noqonaya dagaallada ku dhexmara Xarrakatul Shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca ee ka taagan Gobolka Galguduud, iyadoo labadan xoog ay isku haystaan gacan ku haynta Gobolkaas oo intiisa badan ay maamusho Ahlusunna.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya