Maamulka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo sheegay inay qaybteen dhowr qof oo ay sheegeen inay ammaanka degmadaas wax u dhimayeen

Axad, April 04, 2010 (HOL) Maamulka Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay qabteen 5-dhallinyaro ah oo ay sheegeen inay qorsheynayeen inay qaraxyo iyo dilal ka geystaan degmadaas oo ay ku sugan yihiin saraakiil iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Saldhigga degmadaas Faarax Gaarane Xasan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dhallinyaradan ay qabteen ciidamada ammaanka ayna ku wareejiyeen saraakiisha Dowladda ee ku sugan degmadaas.

"Shanta ruux ee aan qabannay waxay isugu jireen laba qof oo deegaanka ah iyo saddex qof oo ka yimid Gobollada kale ee Soomaaliya, waxay doonayeen inay qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka geystaan degmada" ayuu yiri Taliyaha oo la hadlay saxaafadda.

Faarax Gaarane wuxuu sheegay inay wateen dhallinyarada hub isugu jira bambooyin iyo bastoolado ayna ku qabteen, isagoo xusay inay sharciga horgeyn doonaan lana marsiin doono wixii lagu xukumo.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka degmada Doolow ee taabacsan Dowladda Soomaaliya ay sheegaan inay qabteen dad ay uga shakiyeen inay falal ammaanka ka baxsan ka geysanayaan Degmadaas oo ku taalla xuduudda u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya.

Saraakiisha iyo Xildhibaannada ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa dhawaan sheegay inay wadaan qorshayaal ay dib ugu qabsanayaan Gobollada koonfurta Soomaaliya ayna ka sameyn doonaan maamul goboleed madaxbanaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya