5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 25, 2009
Itoobiya oo xirtay Xadka ay la wadaagto Somaliland iyo dhalinyaro laga qabtay Wajaale oo loo qaaday dhinaca Jigjiga

Khamiis, June 25, 2009(HOL): Dawladda Itoobiya ayaa shalay xidhay Xadka u dhaxeeya Somaliland iyo dalkeeda ee Magaalada Wajaale, isla markaana waxa la joojiyay isu-gudubka labada dhinac ee Dadka iyo Gaadiidka. Waxaana Wararku sheegayaan in shalay galabnimadii gaabnayd dib loo furay, ka dib  markii dad ka soo kicitimay dhinaca Magaalooyinka Itoobiya, gaar ahaan Jigjiga oo muddo 10-saacadood ah lagu hayay Magaalada Wajaale dhinaca Itoobiya la soo daayay badankooda, marka laga reebo dhalinyaro tiradooda lagu sheegay ilaa labaataneeyo Rag ah oo la sheegay in dib loogu qaaday Magaalada Jigjiga.

Inkasta oo aanay Dawladda Itoobiya si rasmi ah uga hadlin arrintan, haddana siday sheegayaan Wararka aanu ka helayno Magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale, xadka Itoobiya iyo Somaliland ayaa la xidhay shalay abbaaro 6:00 subaxnimo, isla markaana amar ka soo baxay Ismaamul-gobolleedka Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya lagu xannibay baabuur aan tiradooda la sugin oo ka mid ah baabuurta caadiyan isaga kala goosha Somaliland iyo Itoobiya, kuwaas oo siday dad Rakaab ah oo ka kala yimi Magaalooyinka kala duwan ee Itoobiya, gaar ahaan Xarunta Ismaamul-gobolleedka Kililka shanaad ee Jigjiga. Sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Wajaale, amarka lagu xidhay xuduudka Wajaale ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay in uu ka fuliyay Hoggaanka Nabadgelyada ee Jigjiga. “Amar ka soo baxay Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan Hoggaanka Nabadgelyada ee Jigjiga abbaaro 6:00 subaxnimo ee maanta (shalay), ayaa lagu xannibay dad tiradoodu 200 gaadhayso oo waqtiyo kala duwan soo gaadhay Daanta dhinaca Itoobiya ee Wajaale. Amarkaas waxa lagu amray Maamulka dhinaca Itoobiya ee Wajaale in aanay jiri karin cid ka soo baxda dhinaca Somaliland oo u gudubta Itoobiya, isla markaana ay qabtaan oo ay ururiyaan dadka ka soo baxay dhinaca Itoobiya, ilaa amar dambe.” Sidaa waxa HOL u sheegay mid ka mid ah dadka u dhuun-daloola arrintan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dabadeed, waxa dhacday in Ciidan isugu jira Federalka Itoobiya iyo kuwa Booliska Soomaalida dalkaas la geeyay Kaantaroolka Wajaale laga soo galo ee dhinaca Jigjiga oo ilaa 1-km ka go’an Magaalada, halkaas oo ay iyaguna ku ururiyeen gaadhi kasta oo ka soo socda dhinaca Itooobiya iyo rakaabka saaranba..”

Mar uu goob-joogahani HOL uga waramayay sida uu u fulay amarkani iyo waqtiyada ay Gaadiidka la xannibay ee Rakaabka siday soo kala gaadheen Wajaale, ayaa wuxuu sheegay in Gaadiidka aan laga xannnibin inay ka soo baxaan dhinaca Magaalooyinka Itoobiya, gaar ahaan Jigjiga oo loo ogolaa, hase ahaatee, halka lagu xannibayay ay ahayd Wajaale. “Dadka la ururiyay ayaa Baabuurtii ay saarnaayeen kii u horreeyay uu soo galay dhinaca Itoobiya ee Wajaale abbaaro 8:00 subaxnimo, ilaa Baabuurkii soo galay 5:00 galabnimo, dadka waa la ururinayay. Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in aan dadka la joojinayn marka ay Magaalooyinka Itoobiya ka soo baxayaan, sida Jigjiga oo kale.” ayuu yidhi qofkani, waxaanu xusay in sidoo kale ay jireen Gaadiid iyana lagu hakiyay Deegaannada Aroorays iyo Gob-yaray.

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Wajaale waxay intaa ku dareen in shalay galabnimadii gaabnayd la soo daayay badanka dadkii ku xannibnaa halkaa oo Haween u badan, balse, dib loo qaaday oo Jigjiga lagu celiyay dhalinyaro Rag ah oo tiradooda lagu sheegay ilaa labaatan. “Abbaaro 5:30-kii galabnimo ayaa waxa goobtii dadka lagu ururiyay yimi Hoggaanka Nabadgelyada ee Jigjiga noo lagu magacaabo Cabdi Iley, dabadeed dadkii baa la baadhay oo su’aalo la waydiiyay, waxaana la soo daayay dad badan oo Haween ahaa, halka ilaa 20 dhalinyaro Rag ah oo Soomaali ahna dib loogu qaaday Magaalada Jigjiga.” Ayuu intaa ku daray qofkan goob-joogaha ahi. Waxaanay Wararku sheegayaan in dhalinyarada dib loo qaaday ee Jigjiga la geeyay aanay ahayn kuwo wada socday, balse ay ahaayeen kuwo isku soo gaadhay xannibaadda, islamarkaana badankoodu la kala socday gaadiid kala duwan.

Dhinaca kale, mid ka mid ah dadkii lagu xannibay dhinaca Itoobiya ee Magaalada Wajaale oo HOL u warantay, ayaa sheegay in dadka la xannibay ay ku  jireen dad sitay Baasabooro kuwa Somaliland ah. “Dadkayaga qaarkood ayaa Baasaboor-rada Somaliland watay, muddo 10 saacadood ah ayaa nala hayay, markii dambena inta dhalinyaradan Ragga ah la kaxaystay, ayaa layska kaaya soo daayay oo xitaa nalama odhan waxaas ayaa laydiin haystay.” Ayay tidhi mid ka mid ah Haweenkii laga soo daayay Xadka Itoobiya iyo Somaliland ee Wajaale oo ka cudur-daaratay in magaceeda la xuso.

Inkasta oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Somaliland ee arrintani khusayso, haddana noomay suurtogelin in aanu helno. Maaha markii ugu horraysay ee ay soo baxaan warar ku saabsan in la xidho xadka dheer ee Somaliland la wadaato Itoobiya, hase ahaatee, toddobaadkii u dambeeyay waxa jiray warar soo baxayay oo sheegayay in sidoo kale la xidhay Xadka dhinaca Hawd ee Somaliland la wadaagto Itoobiya ee Deegaannada Gaashaamo.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland