Khamiis, 25 June 2009 (HOL): Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jaamac Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland xisaabta lacageed ee Komishanka ku shubtay kharashkii kaga qaybay Dhaqaalaha doorashada Madaxtooyada.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu Guddoomiyuhu shalay soo saasay, dhinacyada doorashadu khusaysaa waxay isla qaateen dhamaystirka galdaloolooyinka dhinaca Sharciga, si loo sameeyo lifaaq wax-ka-bedel oo lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan; “Wadahadaladii u bilaabmay Axsaabta Qaranka ee 16-kii May ee lagu falanqaynayay dhamaystirka hawlaha doorashada Madaxtooyada ee Somaliland, waxaa ka dhashay heshiiskii Axsaabta qaranka ee 27 May, 2009 ee diyaargarowga doorashada Madaxtooyada.
Iyadoo heshiiskaa laga ambo-qaadayo, Komishanka Qaranku waxay bilaabeen in xisbiyada qaranka ka wada shaqeeyaan dhamaystirka arrimaha soo socda:-
1-Guddida Farsamo ee Diiwaangelintu waxay isku raaceen hawlgalka habraaca dhamaystirka hawlaha Server-ka (Parametrers).
2-Waxa gebogebo taagan Xeerkii hab-dhaqanka Axsaabta Qaranka ee doorashada Madaxtooyada.
3-Waxa la isla qaatay dhamaystirka wixii galdaloolo Sharci ah, si loo sameeyo lifaaq wax-ka-bedel ee Doorashooyinku 20/2001 iyo Xeerka Diiwaangelinta.
4-Waxaa dhamaystirmay oo ay dawladdu bixisay saamigii kharashka dawladda ee doorashada Madaxtooyada oo lagu shubay xisaabta Komishanka, taasoo dhan SL Sh 7,200,000,000 una dhiganta hal Milyan oo Doolar.
5-Komishanka Qaranku wuxuu dadweynaha, Axsaabta iyo dawladda ku baraarujinayaa inay hareeraha iska taagaan sidii looga midho-dhalin lahaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo qabanqaabadeedii la gudagalay.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland