Xukuumadda Somaliland oo qaadacday shir la isugu keeni lahaa madax ka socota Maamullada Somaliland, Puntland iyo Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale
Khamiis, 25 June 2009 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ku gacan-saydhay marti-qaad uga yimi dhinaca Maraykanka, kaas oo nuxurkiisu ahaa in Somaliland ay ka qayb gasho wada-hadallo iyo Shir ay isugu imanayaan beri Dawladda Midnimada Qaran iyo Maamul-gobolleedka Puntland. Waxaanay ka hadashay in Ciidamo ka socda Somaliland loo diro Koonfurta Soomaaliya iyo in kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay Xukuumad ahaan diideen oo ay ka baaqdeen kulan ay isugu imanayeen Dawladda Soomaaliya, Maamul-gobolleedka Puntland iyo Somaliland. “Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha dibedda ee Koongareeska Maraykanak Mr. Donald Pane ayaa marti-qaad noo soo diray, gaar ahaan aniga igu casuumay in aanu ka qayb-galno kulan ka dhici doona Maraykanka, kaas oo aanu u sheegnay in aanu mabdi’iyan qaadanay, balse aanu ka wada-tashano. Dabadeed, waxaanu u xil saaranay Wakiilka Somaliland ee Washington Dr. Sacad Sh. Nuur, Mr. Donald-na wuxuu u xil saaray guddi, dabadeed iyada oo qaban-qaabinta arrintaasi socoto, ayaa waxa dhacday in aanu helnay xogo sheegaya in Shirkaasi uu yahay mid la doonayo in laysugu keeno Somaliland oo qaran jira ah iyo dhinacyada Federaalka Soomaaliya. Markii aan kula noqday Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaanu isla garanay in ay sharaf-darro iyo sharaf-dhac ku tahay Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qoraal baanu u dirnay oo waxaanu u sheegnay in aanu ka cudur-daaranay oo aananu ka qayb-galayn Kulankaas, balse waxaanu qorshaynay in aanu socdaal kale ku tagno Maraykanka, isla markaana waxaanu dalbanay in si gaar ah naloogu ballamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalkaas.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland wuxuu sheegay oo kale in bishan gudaheeda isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay socdaal ugu kicitimi doonaan dalka Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo maalin uun ka hor dalka dib ugu soo noqday, ayaa wuxuu ka  hadlay oo kale arrimaha ka taagan Koonfurta Soomaaliya. “Waa dhibaato hor leh oo aad iyo aad looga yaqyaqsoodo, waananu maqlaynay dalabka ay u sameeyeen dalalka deriska, taasina waxay u taalaa dalalkaas. Kollay dhib way ka iman kartaa, balse indhahaanu ku haynaa oo cid baa dhulkaa (Koonfurta Soomaaliya) noo joogta, waananu danaynayaa arrimaha ka socda.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu ka warbixiyay aragtida ay Xukuumad ahaan ka qabaan in Ciidamo Somaliland ka socda loo diro Koonfurta Soomaaliya iyo in kale, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Horta Anaga cidi waxba namay waydiisan, balse arrintaasi waa mid u dhaxaysa Xukuumadda oo u taala oo aan anigu shaqsi ka ahay ama aan ka tirsanahay Golaha Wasiirada.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland