Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in uusan aaminsaneyn in ay khatar ku jirto Dowladda Soomaaliya

Khamiis, June 25, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa shaaca ka qaaday in aysan dowladdiisa qorsheyneynin in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ciidamadooda dib ugu laaban karaan Soomaaliya kaliya marka ay dareemaan khatar dhinaca ammaanka ah oo uga soo fool leh Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya in ay xaaladda Soomaaliya degeyso iyadoo aan ciidamo loo dirin, wuxuuna caddeeyay in ay taasi ku filan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo taageero caalamka ka hela.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu sheegay in Dowladdiisa ay taageersan tahay Dowladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay u taageerayaan dowladda Soomaaliya si aan faragelin mileteri ahayn. Siyaabaha kale ee loo caawin karo Dowladda Soomaaliya  ayuu ku sheegay in ay tahay  in Ciidamada Amisom awood loo siiyo in ay Dowladda difaacaan, ayna dagaallada si toos ah uga qeybqaataan iyo in la xoojiyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi wuxuu intaas ku daray in uusan hadda ujeedin awood ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ku afgembin karaan dowladdaas, wuxuuna sheegay in ay xaaladda la soconayaan, isla markaana ay ka war sugayaan sida xaalku noqdo.

Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya in ay maalmo ka hor wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, isla markaana ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya iyo sida loo caawin karo dowladda Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu Madaxweynah Soomaaliya u sheegay in ay Dowladdiisa taageersan tahay Dowladd Soomaaliya.

Haddaba iyadoo ay jireen warar dhawaanahan soo baxayay oo sheegayay in Ciidamo Itoobiyaan ah lagu arkay gudaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay Meles Zenawi in ay Ciidamadooda mararka qaarkood sameeyaan sahan mileteri oo ay ka sameeyaan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa Soomaaliya galay sanadkii 2006, xiligaas oo ay sheegeen in ay u yeeratay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markaas ka baqeysay in ay af-gembiyaan Maxkamadihii Islaamka, waxayna  kaddib Soomaaliya ku jireen muddo labo sano ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalkan uu sii daayay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya ay Beesha Caalamka iyo Dalalka Soomaaliya la deriska ah ay si deg deg ah uga codsatay in ay ku caawiyaan ciidamo ka difaaca khatar uga soo fool leh dhinaca kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya