5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 14, 2009
Madaxweynaha Gal-mudug oo soo dhameystiray dhismaha Golahiisa Wasiirrada

Jimco, August 14, 2009(HOL): Madaxweynaha cusub ee maamulka Gal-mug ee Konfurta magaalada Galkacayo Madane Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa  shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaaladaasi ku soo bandhigay intii ka dhinayd golihiisa wasiirada,waxa uuna halkaasi ka sheegay in uu magacaabay hal wasiir iyo sadex wasiir ku xigeen oo u harsanaa.

Shirkiisan jaraa'id ayaa  waxa uu ku soo beegmayaa, maalin uun kaddib markii Dariiqada Ehelu Sunah Wal-Jameeca ay kulan la qaateen madaxweynihii  hore ee maamulka Gal-mug Mudane Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo ilaa haatan aan ku qanacsanayn qaabka ay doorashada Gal-mudug u dhcaday.

Waxa ayna ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa baarlamaan loo dhan yahay iyo sidii loo xalin lahaa waxa madowga ah ee soo kala dhexgalay xildhibaanada Gal-mudug. Madaxweynaha maanta shirka Jaraa'id qabtay ee Madane Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa waxaa xilka loo doortay 1dii  Luuliyo ee sanaddan.

Dhanka kale waxaa magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug ka aloosan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo bilood oo halkaasi wada dagan kuwaas oo maalintii shalay halkaasi isku faro saaray, kaddina ay soo kala dhex galeen Odayaasha gobolkaasi.

Maxamed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya