Jimco, 14, 2009 (HOL) Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 50 Askari isla markaana wata noocyada hubka ayaa maanta ku soo biiray Maamulka Dowladda Federaalka ee Goballka Hiiraan kaddib markii ay isaga soo baxeen Ururkii ay horay uga tirsanaayeen.
Masaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay Saraakiisha iyo Ciidamada ku soo biiray Dowladda Soomaaliya oo lagu qabtay Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka soo qeyb galay Saraakiil ka tirsan Dowladda oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar iyo Gen. Muqtaar Xuseen Afrax.
Ugu horreyn waxaa halkaa ka hadlay Saraakiil ugu sareeyay Ururka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan isla markaana horkacayay Ciidamada ku soo biiray Maamulka Dowladda Shiikh Axmed Cumar Axmed (Axmed Dheere) waxaana uu sheegay in wada tashi dheer kaddib isaga iyo Ciidamadiisa goosteen in ay si toos ah ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana uu markii ugu horreysay si cad u sheegay Mas'uulkaasi in dalku u baahan yahay Qaran Soomaaliyeed hase ahaatee wax micno ah aysan laheyn in lagu jiro waligeed Ururo iyo iskooxeeysi.
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar oo u mahad celiyay Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ee go'aanka ku gaaray in ay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana uu intaa raaciyay Xildhibaanku in Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra'iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaankuba u hambalyeeynayaan Saraakiisha ku soo biirtay Dowladda.
Gen. Muqtaar Xuseen Afrax ayaa isagana dhinaciisa sheegay in Ciidamada cusub wixii hadda ka danbeeyay si toos ah uga mid yihiin Ciidamada Dowladda Saraakiishuna ka mid yihiin Mas'uuliyiinta Maamulka, waxaana uu intaa ku daray in hadafka Dowladdu yahay wada hadal iyo in si wada jir ah looga wada qeyb qaato dhismaha Qaranimada.
Waa markii ugu horreysay oo ay ku soo biiraan Maamulka Dowladda Soomaaliya ee Goballka Hiiraan Ciidamo tiradaas la eg oo ka tirsan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, waxaana ay arintani muujineysaa sida ay u sii yaraaneyso awoodda kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ku leeyihiin gudaha Goballka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo isu dhiibay Maamulka Dowladda Federaalka ee Goballka Hiiraan.
More News
- Munaasabad lagu sagootinayay Taliyihii Ciidamada AMISOM oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
- Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday dadka Ajnabiga ah ee Soomaaliya booqanaya in ay ogolaasho weydiistaan Dowladda Soomaaliya
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Culumaa'udiinka Tabliiqa ugu baaqay in aysan xiligan Dalka Soomaaliya imaanin arrimo nabadgelyo aawadood
- Dagaal maalintii labaad maanta ka socda Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud
- Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in ay sii wadi doonto dagaallada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee inagu soo fool leh
- Doonyihii Masar laga lahaa ee lagu haystay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Laas Qoray oo xoog lagu furtay
- Madaxweynaha Gal-mudug oo soo dhameystiray dhismaha Golahiisa Wasiirrada