Jimco, August 14, 2009(HOL): Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo u warramay wakaaladda Wararka Reuters ayaa ugu baaqay dadka Ajnabiga ah ee doonaya in ay Soomaaliya booqdaan in ay marka hore ogolaasho weydiistaan Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay maalmo uun kaddib markii Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Shan Nin oo ka tirsanaa Culumaa'udiinka Tabliiqa, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeday Dalka Pakistan. Waxaa jira warar sheegaya in Culumaa'udiinkaas loo waxyeelleeyay sabab la xiriirta in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qaacidda.
Dilka Culumaa'udiinkan ayaa waxaa isku eedeeyay Maamullada Puntland iyo Gal-mudug ee ka wada taliya Magaalada Gaalkacyo ee Culumaa'udiinkaas lagu dilay. ilaa iyo haatanna lama caddeynin ciddii rasmi ahaan uga dambeysay dilka Culumaa'udiinkaas.
Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali oo xilka uu hayo loo magacaabay bishii hore kaddib markii bishii June ee aanu ka soo gudubnay uu qof naftiisa huray ku dilay Magaalada Beledweyne Wasiirkii hore ee Amniga Cumar Xaashi Aadan iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya.
"Dagaalyahannada Ajnabi ah ayaa waxay ku gambadaan magaca Culumaa'udiinka Diinta faafiya, qofna ma sheegi karo ilaa iyo hadda in ay ahaayeen Culumo Tabliiq dhab ah, laakin sidaasoo ay tahay haddana waanu cambaareyneynaa in dad lagu dhex dilo Masjid"ayuu yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
"Waxaan ugu baaqayaa Culumaa'udiinka Tabliiqa iyo dhammaan dadka Ajnabiga ah ee raba in ay Soomaaliya tagaan in ay ogolaasho ka qaataan Dowladda Soomaaliya, si loogu sheego meelaha ay tegi karaan iyo meelaha aysan tegi karin"ayuu mar kale yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya.
Haddaba iyadoo uu Wasiirka Amniga Soomaaliya sidan leeyahay ayaa haddana waxaa dhawaan meel ay ka taliso Dowladda Soomaaliya oo weliba ay Ciidamada Amisom joogaan waxaa laga kaxeystay labo Sarkaal oo Faransiiska u dhashay, kuwaasi oo u tegay Magaalada Muqdisho inay Dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dhinaca Ammaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday dadka Ajnabiga ah ee Soomaaliya booqanaya in ay ogolaasho weydiistaan Dowladda Soomaaliya
More News
- Munaasabad lagu sagootinayay Taliyihii Ciidamada AMISOM oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
- Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo isu dhiibay Maamulka Dowladda Federaalka ee Goballka Hiiraan.
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Culumaa'udiinka Tabliiqa ugu baaqay in aysan xiligan Dalka Soomaaliya imaanin arrimo nabadgelyo aawadood
- Dagaal maalintii labaad maanta ka socda Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud
- Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in ay sii wadi doonto dagaallada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee inagu soo fool leh
- Doonyihii Masar laga lahaa ee lagu haystay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Laas Qoray oo xoog lagu furtay
- Madaxweynaha Gal-mudug oo soo dhameystiray dhismaha Golahiisa Wasiirrada