Jimco, August 14, 2009(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo warfidiyeenno kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Culumaa'udiinka Tabliiqa in aysan xiligan imaanin dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in ay dalka Soomaaliya joogaan dad sida uu yiri culumo sheeganaya oo magacii culumaa'udiinka dhibaato u soo jiiday, sidaas darteedna wuxuu carrabka ku dhuftay in ay dowlad ahaan ugu baaqayaa culumada tabliiqa in aysan arrimo amni aawadood u imaanin Soomaaliya.
Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo ka hor magaalada Gaalkacyo lagu dilay Culumaa'udiin Tabliiq ah, kuwaasi oo weliba u badnaa kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Asia, gaar ahaan Dalka Pakistan.
Horayna waxaa magaalada Muqdisho loogu dilay Culumaa'udiin Tabliiq ah, kuwaasi oo lagu dilay Masjid Al-Hidaaya lagu magacaabo oo Degmada Huriwaa ku yaalla. Xiliga Culumaa'udiinkaas la dilayay waxay ku beegneyd markii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Culumaa'udiinka Tabliiqa ugu baaqay in aysan xiligan Dalka Soomaaliya imaanin arrimo nabadgelyo aawadood
More News
- Munaasabad lagu sagootinayay Taliyihii Ciidamada AMISOM oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
- Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday dadka Ajnabiga ah ee Soomaaliya booqanaya in ay ogolaasho weydiistaan Dowladda Soomaaliya
- Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo isu dhiibay Maamulka Dowladda Federaalka ee Goballka Hiiraan.
- Dagaal maalintii labaad maanta ka socda Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud
- Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in ay sii wadi doonto dagaallada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee inagu soo fool leh
- Doonyihii Masar laga lahaa ee lagu haystay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Laas Qoray oo xoog lagu furtay
- Madaxweynaha Gal-mudug oo soo dhameystiray dhismaha Golahiisa Wasiirrada