MADAXWEYNE-XIGEENKA SOMALILAND: “Waa in la sameeyaa Doodo iyo Barnaamijyo lagaga hadlayo Caruurta is-qarxinta la barayo”


Madaxweyne-xigeenka oo maanta si rasmi ah u furay Mawjadda FM ee Idaacadda VOA

Arbaco, 14 October 2009 (HOL): Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta rasmi xadhigga uga jaray Mawjad cusub oo FM ah oo ay Idaacadda VOA maanta ka furtay Hargeysa.

Munaasibadda furitaanka FM-ta oo ay ka qayb galeen Maamulka Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiye-xigeenka Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, Wasiiro, Aqoonyahan iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa Masuuliyiintii ka hadashay ka mid ahaa Madaxweyne-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo hambalyo uu u diray VOA ka dib, ugu baaqay inay Barnaamijyada ay baahinayaan ay noqdaan kuwo waxtar u leh Bulshada, islamarkaana la xidhiidha dhinacyada Nolosha.

Madaxweyne-xigeenku wuxuu ugu baaqay Maamulka VOA inay qabtaan Barnaamijyo iyo doodo ku aaddan Tahriibta iyo dhalinyaro la qalday oo uu sheegay in la baro Is-qarxin. Kuwaas oo uu ku baaqay inay qayb ka noqdaan oo ay ka qayb galeen Aqoonyahanno iyio Culima’udiin, isla markaana cabbiraan aragtida Diintu ka qabto is-qarxinta. “Waxaan soo jeedin lahaa in la qabto Doodo la xidhiidha Dhalinyarada la khalday ee la barayo Is-qarxinta, kana qayb galaan Culima’udiinku oo ay ka hadlaan Diintu aragtida ay ka qabto. Waayo, Diin maaha qof dhan oo inta uu Gaadhi soo kaxaysto isku qarxinaya meel Shacab joogo.” Ayuu yiri Madaxweyne-xigeenka Somaliland.

Guddoomiye-xigeenka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hambalyada uu u diray VOA ka dib, waxa uu naqdiyay oo uu dhaliilay hab-qorsita Shaqaalaha ka hawl-galaya Idaacadda VOA oo uu sheegay inaanay caddaalad ahayn. “Waxa jirta in qofka Shaqaalaha laga qorayo VOA waxyaabaha lagu qaato ay ka mid yihiin Magacyada oo kii magacyadiisa laga waayo, Fiidow, Calasow, Jalaqow iyo Yabarow aan la qaadan.” Ayaa ka mid ahaa hadalladii Muuse Biixi. Hase ahaatee, waxa taa jawaab ka bixiyay Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow oo halkaa ku sugnaa, waxaanu sheegay in aanay Maamul ahaan qaybgta Afka Soomaaligu shaqo ku lahayn qorista Shaqaalaha. Balse, ay cadaalad ka sameeyaan xitaa cidda ku shaqada lehi.

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Masuuliyiin ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan-Cirro, Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid, Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir, Guddoommiyaha Jaamacadda Hargeysa iyo Sh. Aadan Muxumed Xiirey (Siiro) oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Mawjaddan ay soo kordhisay VOA, isla markaana ku hambalyeeyay Maamulka VOA hawshan. Hase ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Somaliland wuxuu gaar u sheegay inay Maamulka Maraykanka ay Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya kula saxeexdeen Heshiis la xidhiidha in aanay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA marnaba Somaliland odhanin Jamhuuriyadda la baxday, balse ay taa beddelkeeda ka tidhaahdo Jamhuuriyadda Somaliland.



Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland