Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo beeniyay in hub-ka-dhigis lagu sameeyay

Arbaco, October 14, 2009(HOL): Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa beeniyay in hub ka dhigis lagu sameeyay oo uu hubkiisii ku wareejiyay Shiikh Muuse Carraale oo Xisbul Islaam oo u qaabilsan Gaashaandhigga.

Shiikh C/raxmaan Macow waxaa uu sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo aaney waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in uu hubkiisii heysto balse uu jiro qorshe ku saabsan in ciidamadiisa si rasmi ah loogu biiriyo ciidamada Xisbul Islaam.

“Wax si gaar ah Shiikh Muuse Cabdi Caraalle loogu wareejinayo ma jiraan, waxaana ballansannahay xubno guddi sare ah oo Xisbul Islaam ka tirsan kuwaasi oo sameyn doona qaabkii ciidamada maamulka gobolka Hiiraan loogu biirin lahaa Ciidamada Xisbul Islaam”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Macow oo u warramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa sheegay in haatan ay isaga iyo Shiikh Muuse Cabdi Carraale  ku wada sugan yihiin magaalada Beledweyne, isla markaana aysan jirin wax ay isku soo hadal qaadeen oo ku saabsan in uu hubkiisa ku wareejiyo.

Hadalka Shiikh C/raxmaan Macow ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay soo baxayeen warar ku saabsan in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Macow hub-ka-dhigis lagu sameeyay, isla markaana uu hubkiisii la wareegay Xoghayaha Gaashaandhigga Xisbul Islaam Shiikh Muuse Cabdi Carraale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]