Roobab xoog leh oo ka da'ay qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan

Arbaco, 14, Oct, 2009 (HOL): Laga soo bilaabo Gelinkii dambe ee shalay ilaa laga soo gaaro Saqdii dhexe ee xalay waxaa qeybo badan oo ka mid ah Goballka Hiiraan si toos ah uga da'ayay Roobabkii xiliga deyrta oo dhinaca kale marka la eego si weyn dadku u wada sugayay.
 
Deegaanno badan oo hoostaga Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ayaa ka mid ah meelaha sida weyn Dhibicda Roobku ugu hoortay, waxaana wararka laga helayo deegaannadaasi sheegayaan in Robabkii da'ay saacadihii ugu danbeeyay Biyo dhigeen dhamaan Balliyada iyo Togagga dadka iyo Xooluhu ka cabaan taasoo ay siweyn u soo dhaweeyeen dad badan oo Xoola dhaqato ah.
 
Meelaha sida weyn Roobku uga da'ay ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan oo saakay la arkayo Biyo jiifa dhamaan Is-goysyada Magaalada, halka Xaafaddaha qaarna dadku bilaabeen in ay ka sameystaan Guryaha hortooda Carro-tuur ay uga hortagayaan in Biyuhu gudaha u soo galaan.
 
Wali Cirka daruurro ayaa saaran dadkuna waxaa uu sugayaa in saacadaha soo socda da'aan Roobab ka badan kuwii da'ay saacadihii aynu soo dhaafnay, laakiin haddana dad badan oo Xoolo dhaqato ah ma ahan kuwo Rajadoodu fiican tahay maadaama laga yaabo in Roobabka da'aya galaaftaan nolasha Xoolihii yaraa ee ka haray Abaartii ugu dambeysay ee ku dhufatay qeybo ka mid ah Gobalka, waayo Xoolaha intooda badan waa kuwo jilicsan isla markaana ay adag tahay in ay iska difaacaan qabowga iyo dhibicda uu wato Roobka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]