Arbaco, October 14, 2009(HOL): Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxay soo gudbiyeen cabasho ku saabsan in ay rasaas si bareer ah ugu fureen Ciidamada Amisom ee ku sugan Dekedda iyo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Naafadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahad Cali ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay shalay rasaas bareer ah ku soo fureen Isbitaalka Martiini oo ay Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed degan yihiin, wuxuuna sheegay in ay rasaastaas burburisay guri ay rag cuuryaamiin ah ku jireen, sidoo kalena ay geedo Isbitaalka ku dhex yaalla burburisay.
“Waxaan dhihi lahayn Ugaandheesow annaga dagaal kuma jirnee hubka iyo rasaasta naga daaya, haddii aad naga deyn weysaanna waxaan u qaadaneynaa in aad ka dambeyseen dhibaatadii maalin dhaweyd na gaartay”ayuu yiri Cabdi Mahad Cali oo sheegay in ay dareemayaan dhibaatadii ka dhalatay madaafiic ku dhacday Isbitaalkaas oo geystay dhimashada in ka badan 10 ruux oo ka tirsanaa Naafadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kalena C/llaahi Magan oo ka mid ah Naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa isna sheegay in rasaastii ay ku soo fureen Ciidamada Amisom ay ku sumoobeen caruur iyo haween ka tirsan Qoysaska Naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. C/llaahi Magan waxaa uu sheegay in ay cabasho u gudbiyeen Talisyada Ciidanka Dowladda Soomaaliyeed, ayna sugayaan in wax laga qabto cabashadooda.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha Ciidamada Amisom oo ku saabsan in ay ciidamadooda si bareer ah u rasaaseeyeen Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, cabashada ka timid Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shalay ay Saraakiisha Ciidmada Amisom magdhow lacageed ka bixiyeen Geel ay Ciidamada Amisom laayeen, kaasi oo ay Ciidamada Amisom rasaas ku fureen xili habeen ah oo uu Geelaas marayay meel u dhow saldhig ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya