Wararkii u dambeeyay ee Qaraxyo saaka ka dhacay Magaalada Laascaanood

Axad, 1 November 2009 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka hadashay Qarax saaka ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Waxaanay xaqiijisay dhimashada Allaha u naxariistee Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland Marxuum Cismaan Yuusuf iyo tirada dhaawaca.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed oo Warbaahhinta Hargeysa ugu waramay, ayaa sheegay in baadhitaanno lagu wado ciddii ka dambaysay Qaraxyadan oo uu ku tilmaamay cadowga Somaliland.

Wararka madaxa bannaan ee HOL ka soo gaadhaya Magaalada Laascaanood, ayaa sheegaya in Taliyuhu geeriyooday ka dib markii laba qarax oo nooca meesha fog laga hago ah oo Jidka dhiniciisa la dhigay lala beegsaday isaga iyo Ciidan la socday, waqti ay ku sugnaayeen badhtamaha Magaalada Laascaanood. Qaraxyadan oo kala dambeeyay, ayaa Wararku intaa ku dareen in markii ka hore qarxay uu Taliyuhu ka soo degay Gaadhi uu saarnaa, halkaas oo Qaraxii labaad ee dhacayna uu keenay dhimashadiisa iyo dhaawaca 5 qof oo afar ka mid ahi ay Ciidan yihiin.

Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed ma jirto cid gaar ah oo uu farta ku fiiqay, hase ahaatee, wuxuu sheegay in baadhitaan socdo, sida ugu dhaqsaha badan-na loo soo qaban doono ciddii ka dambaysay. Iyada oo aad loo adkeeyay dhaqdhaqaaqyada Magaalada Laascaanood. Waxaanu tacsi u diray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo shacabkaba.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland